Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Newyork

0
Sunday September 17, 2017 - 13:28:26 in by Burco Office
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Newyork

    Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Newyork

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray Newyork

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray NewyorkWafdigan uu horkacayay Wasiirka wasaaradda arimaaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray magaalada Newyork ee dalka Mareeykanka, ayadoo wafdigan uu hordhac u yahay wafdi kale oo uu hogaaminayo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre oo gaari doona dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibadda dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubnaha uu hogaaminayo ee gaaray Mareeykanka ay hordhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo raysul wasaaraha oo la filayo in ay tagaan dalkaasi si ay uga qeybgalaan shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona Mareeykanka.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebooka kusoo qoray in wafdi ka kooban wasiiro oo uu hogaaminayo ay gaareen Newyork, isagoo sheegay in xubnaha la socda isaga iyo wafdi kale oo ku biiri doona oo uu horkacayo Raysul wasaaraha ay ka qeybgali doonaan shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo madaxda caalamka sanadkiiba mar isugu yimaadaan.

Shirkan oo markii hore la filayay in uu ka qeybgalo madaxweeynaha dalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayuu raysul wasaare Khayre ka qeybgali doonaa, kadib markii uu ka baaqday Madaxweynaha.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah ay maanta la qaadan doonaan qaar kamid ah madaxda kasocota dalalka caalamka ee ay Soomaaliya xiriirka leeyihiin.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale la filayaa in uu dalkaasi uga qeybgalo shir ay dowladda Mareeykanku sanadkiiba mar la yeelato madaxda dalalka Muslimka ah, kaa oo looga hadli doono sidii Mareeykanka iyo dowladaha Islaamku isaga kaashan lahaayeen dhinaca ammaanka.