Xildhibaan Bidhi oo Komishanka ugu Baaqay Inay Wax ka Qabtaan Xisbiga WADDANI oo Calankiisa Sudhay Goobo Dan-guud ah

0
Sunday September 17, 2017 - 21:59:40 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Bidhi oo Komishanka ugu Baaqay Inay Wax ka Qabtaan Xisbiga WADDANI oo Calankiisa Sudhay Goobo Dan-guud ah

    Burco(AFKA);Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mida Xildhibaannada Golaha Degaanka Burco,isla markaana ka tirsan guddida bilicda ee magaaladaas, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiga Waddani birihii Laydhka Soolarta ah ee D/Hoose hirgelisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mida Xildhibaannada Golaha Degaanka Burco,isla markaana ka tirsan guddida bilicda ee magaaladaas, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiga Waddani birihii Laydhka Soolarta ah ee D/Hoose hirgelisay uu ku xidhay calanka xisbigiisa.

Waxa kaloo uu guddida anshaxa ee Komiishanka doorashooyinka qaranka ugu baaqay inay talaabo ka qaadan Waddani oo uu ku eedeeyay inuu astaamihiisii xisbinimo ku dhejistay birihii laydhka magaalada."Magaalada intii aan ka maqnaa waxa ka dhacday arrin aad u fool xun, oo aan indhahayga ku soo arkay Solar light bilicda magaalada qayb weyn ka qaatay ayaannu ku wareejinay magaalada.Waxa wax laga xumaado ah in xisbiga Waddani uu birihii ummadu wada lahayd ee danta guud ahaa uu calankiisii ku wada xidhay, aad iyo aad ayaanan u cambaareynayaa talaabadaas foosha xun ee ay ku kaceen xisbiga Waddani,”ayuu yidhi Mubaarig Bidhi oo shirjaraa’id ku qabtay Burco maanta.


Xildhibaan Bidhi wuxuu ku eedeeyay xisbiga WADDANI inay diideen amar uu badhasaabka Togdheer ku faray inay ka furaan calankooda biraha laydhka, waxaannu yidhi; "Waxaa taasi ka sii daran in markii badhasaabka gobolku isugu yeedhay masuuliyiinta saddexda xisbi ee uu faray masuuliyiinta xisbiga Waddani inay calankooda ka furaan biraha laydhka, dheg jalaq umay siinin, taasina waxaan u arkaa arrin fool-xun, waxaanan u sheegayaa in xisbigani magaalada la yimid fad-qalalo. waxaan leeyahay ku soo noqda dariiqii uu jeexay Komishanku oo fadqalalada ka daaya gobolka,”ayuu yidhi waxaanu intaas raaciyey; "Guddida Komishanka waxaan ugu baaqayaa inay talaabo ka qaadaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo birihii danta guud ahaa ku xidhay calankoodii,waxaan leeyahay annagaa naloo soo doortay Burco waa in Waddani calankiisa ka furfuraa biraha laydhka.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; "Goobtan ay ka taageen calankooda waa goobtii sawirada afarta madaxweyne loogu talogalay ayaa lagu dhejiyay Madaxweynihii u horreeyay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo kaliya, arrintanina maaha wax shacabka Togdheer ay u dulqaadanayana maaha, gobolka Togdheerna wuu ka koray in la kala qaybiyo.”

Burco/Office