Trump oo laga yaabo in uu dabciyo meesha uu ka taagan yahay heshiiska cimilada

0
Monday September 18, 2017 - 09:01:02 in by Burco Office
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo laga yaabo in uu dabciyo meesha uu ka taagan yahay heshiiska cimilada

    Trump oo laga yaabo in uu dabciyo meesha uu ka taagan yahay heshiiska cimilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo laga yaabo in uu dabciyo meesha uu ka taagan yahay heshiiska cimilada

Donald Trump ayaa caddeeyay in uu albaabku wali u furan yahay kasii mid ahaanshaha heshiiska cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibadda, arrintan ayaa timid saacado uun ka dib markii Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasadda Maraykanka.

Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono "haddii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin".

Haddalkiisan ayaa yimid iyadoo Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka sheegaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas.

Bishii Juunyo Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay "hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka" isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrintaas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya.