Dawladda Ruushka Oo Beenisay Inay Duqaysay Mucaaradka Suuriya

0
Monday September 18, 2017 - 09:12:42 in by Burco Office
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ruushka Oo Beenisay Inay Duqaysay Mucaaradka Suuriya

    Dawladda Ruushka Oo Beenisay Inay Duqaysay Mucaaradka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Ruushka Oo Beenisay Inay Duqaysay Mucaaradka Suuriya

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa dafirtay eedeymaha loo haysto ee ah in diyaaradaheeda ay Sabtidii duqeeyeen dagaal yahannada uu Mareykanku taageerayo ee ku sugan Suuriya.


Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadeeda cirka ay keliya beegsadeen kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii SDF, oo ah isbahaysiga kooxo Kurdiyiin iyo Carab ah, oo ahaa in lix dagaal yahan lagu dhaawacay weerarro Ruushku uu ka geystay bariga Siiriya.

SDF ayaa ku sigaya magaalada Deir al-Zour, halkaa oo ciidamo dowladda taabacsan, oo xoogagga Ruushka ay taageerayaan ay isku dayayaan inay dib uga qabsadaan IS.

Sabtidii Xoogagga Dimuqraaddiga ee Siiriya ayaa sheegay in xilli hore maalintaas ay diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeeyeen ciidammadooda.

Gobolka Deir al-Zour ayaa ah meeshii ugu dambeysay Siiriya ee ay ku xooggan yihiin kooxda IS. Ciidamada Siiriya iyo xulafadooda ayaa halkaasi dagaal ka wada iyagoo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.