Murashax Xisbiga Ucid Oo Guddoomiye Haay'adda Shaqaalaha U Sadaaliyey In Uu Noqon Doono Hogaamiyaha Qaranka Somaliland

0
Monday September 18, 2017 - 18:00:55 in by Burco Office
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Xisbiga Ucid Oo Guddoomiye Haay'adda Shaqaalaha U Sadaaliyey In Uu Noqon Doono Hogaamiyaha Qaranka Somaliland

    Murashax Xisbiga Ucid Oo Guddoomiye Haay'adda Shaqaalaha U Sadaaliyey In Uu Noqon Doono Hogaamiyaha Qaranka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashax Xisbiga Ucid Oo Guddoomiye Haay'adda Shaqaalaha U Sadaaliyey In Uu Noqon Doono Hogaamiyaha Qaranka Somaliland

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ee Somaliland md sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ku tilmaamay xidig ka soo dhex baxay dhalinyarta reer Somaliland isla markaana maalin maalmaha ka mida la arki doono isaga oo hogaaminaaya qaranka Somaliland.

Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta hadal ka jeedinaayey Ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Horn International oo madax badan oo Qaranka Somaliland xilal kala duwan ka haysa kala qaybgaleen, ayaa halkaasi cod dheer kaga markhaati kacay dedaalka iyo kartidda hawlaha qaranka uu u hayo masuulka dada yar ee guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland md sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaguna madashaasi ka soo qayb-galay.









waxa uu Faysal inshaaray inay dhalinyarta reer Somaliland ku daydaan Sharmarke Geelle oo uu farta ku fiiqay in maalin maalmaha ka mida la arki doono isaga oo qaranka Somaliland hogaamiye ka noqon doono hadii la noo laado.

Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey shaqsiyadda halyeynimadda iyo mustaqbalka ifaaya leh ee masuulka dada yare ee Guddoomiye md sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu yidhi.

"Horta Sharmarke yare (Sharmarke Axmed Muxumed Geelle) waa Xiddig soo baxaysa (Rising Star) oo aan jeclahay in dhalinyarta Somaliland aad ku wada dayan doontaan, bahasha hogaanimadda iyo madaxnimadda 50 jirka iyo 60 jirka kuma timaado ee yaraanta ayey ku soo bilawdaa, kolka Sharmarke waa hogaan soo socda Isha alaah, waxaynu arki doona maalin maalmaha ka mida isaga oo masuul sare ah Isha alaahu tacaala ee ku dayda walaalayaal” Murashax Faysal Cali Waraabe