Booliiska Ingiriiska Oo Su'aalo Weydiinaya Dad Looga Shakisan Weerarkii London
Booliiska ayaa wali su’aalo waydiinaya laba nin oo looga shakisan yahay danbiyo argagixiso ka dib weerarkii lagu qaaday xarun Tareen London.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu soo baxayo muuqaal ah kamarooyiinka qarsson oo muujinaya nin sita bac 90 daqiiqo ka hor qaraxa.
Laba qof oo mid uu 18 jir yahay midna 21 jir ayaa loo xiray qaraxaasi ,oo ay ku dhaawacmeen 30 qof.
Khatarta argagixisada UK ayaa imika hoos loo dhigay ka dib markii horey loo gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay.
Khatarta argagixisada oo hoos loo dhigay waxa ay micnaheedu tahay in uusan jirin weerar soo fool leh balse ay wali suuragal tahay.
Maalintii Sabtida, nin la rumaysan yahay in uu magaciisu yahay Yahya Faroukh oo 21 jir ah ayaa lagu xiray Hounslow, galbeedka magaalada London.
Sidoo kale booliiska ayaa wiil 18 jir ah ku xiray Dover port.
Hogaamiyaha golaha degaanka Spelthorne Borough ,Ian Harvey ayaa sheegay in wiilkani 18 jirka ah uu yahay wiil agoon ah oo u dhashay dalka Ciraaq islamarkana la keenay UK markii ay waalidiintiisa dhinteen.
Wasiirka arrimaha gudaha UK Amber Rudd ayaa sheegtay in booliiska ay hormar ka sameeyeen baaritaanada ay wadaan.
Mrs Rudd ayaa sheegtay in aysan jirin caddeyn muujinaysa in weerarka ay ka danbeeyeen kooxda la baxday dowlada Islamka.
Waxa ay sidoo kale ugu baqday qof waliba in fajignaan uu muujiyo balse aysan jirin wax qaaylo dhaan ah .
Taliya ku xigeenka booliiska Mark Rowley ayaa dhankiisa sheegay in booliiska ay imika wax badan ka fahansan yihiin qaabka bambaanada loo diyaariyay balse wali loo baahan yahay in wax badan la qabto.
In hoos loo dhig heerka khatarta ayaa ah mid calaamad wanaagsan muujinaysa.
Booliiska UK ayaa waxa ay ugu baaqeenqof waliba oo haya macluumaad ay u soo gudbiyaan laamaha ammanka.
Booliiska Ingiriiska Oo Su'aalo Weydiinaya Dad Looga Shakisan Weerarkii London
Booliiska Ingiriiska Oo Su'aalo Weydiinaya Dad Looga Shakisan Weerarkii London