Warbaahinta BBC-da Oo Bilowday Laamo Cusub Oo La Hadla Itoobiya Iyo Eritereya

0
Tuesday September 19, 2017 - 09:24:47 in by Burco Office
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta BBC-da Oo Bilowday Laamo Cusub Oo La Hadla Itoobiya Iyo Eritereya

    Warbaahinta BBC-da Oo Bilowday Laamo Cusub Oo La Hadla Itoobiya Iyo Eritereya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta BBC-da Oo Bilowday Laamo Cusub Oo La Hadla Itoobiya Iyo Eritereya

BBC qaybta dibadaha la hadasha ayaa xariga ka jartay saddex website oo ah luuqadaha looga hadlo Itoobiya iyo dalka dariska la ah ee Eritrea kuwaas oo qayb ka ah balaarinta ugu waynayd ee ay BBC samayso tan iyo sanaddii 1940.


Barahani ayaa waxa ay noqon doonaan meel wararka runta ah ay ka helaan dalal ay aad u xaddidantahay xorriyadooda Saxaafada sida uu sheegay tafaftiraha BBC Will Ross.

Furidda barahan lagu qorayo luqadaha Amxaarada iyo Afka Oromada ayaa imanaya bilooyiin ka dib markii ay BBC xariga ka jartay barnaamijyo idaacad oo luuqadahan ku baxa.

Dowlada UK ayaa ku dhawaaqday sanaddii 2015 in ay kordhisay miisaaniyada BBC qaybta caalamka la hadasha.

Waxa ay arrintan wadada u xaartay in la balaariyo qaar ka mid ah luuqadaha looga hadlo Afrika iyo iyo Aasiya.

"Waxaan ognahay in ay jirto baahi ay dhagaystayaasha Itoobiya iyo Eritrea u qabaan in ay helaan macluumaad tayo leh oo ku baxa luuqadaha Amxaarada, Oromada iyo Tigrinya,”ayuu yiri Ross, madaxa laamahani cusub.

Eritrea ayaa xorriyadda ka qaadatay Itoobiya sanaddii 1993 ka dib 30 sano oo dagaal ah.

Xiisadda u dhaxeeysa Eritrea iyo Ethiopia ayaa wali ka taagan xuduuda labada dal.

Qiyaastii 80,000 oo qof ayaa ku dhimatay dagaalkii xuduuda ee dhexmaray labada dal intii u dhaxaysay sanadihii 1998 iyo 2000.

Ross ayaa sheegay in muhimadda wayn ay u leedahay dhagaystayaasha labada dal oo isu gayn ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan.

Baraha bulshada ayuu sheegay in door wayn ay ka gaysan doonaan in lala hadlo dhagaystayaasha da’da yar.

Jamhuuriyada Dimuqraadiga Fedaraalka Ethiopia

  • Caasimada: Addis Ababa

  • Tirada bulshada ku nool: 86.5 milyan

  • Dhulka uu dalka ku fadhiyo: 1.13 million oo kilo mitir oo isku wareeg ah taasi oo u dhiganta (437,794 mayl)

  • Luuqadaha ugu waawayn ee looga hadlo:Amharic, Oromo, Tigrinya iyo Somali

  • Diimaha ugu waawayn:Masiixi iyo Diinta Islamka.

  • Da’da ay inta badan gaaraan dadka ku nool:58 sano (Ragga), 62 sano (Dumarka)

  • Lacagta laga isticmaalo:Birr

"Waxaa sidoo kale jiro tiro ku nool qurbaha, kuwaasi oo xiriir xoogan la leh dalkooda” ayuu yiri madaxa laamahan cusub Will Ross.

Xaaladda siyaasadeed ee labada dal ayaa tira badan ku qasabtay in ay olola xoogan ka sameeyaan qurbaha.

"Isha wararka ay haystaan dad badan oo Itoobiyaan ah waxa ay tahay warbaahin dowlada taageersan iyo warbaahin ka soo horjeeda dowlada oo qurbaha ku sugan.”

Dalka Eritrea

  • Caasimadda:Casmara

  • Tirada dadka ku nool:5.6 milyan

  • Baaxada dhulka uu dalka ku fadhiyo:117,400 kiilo mitir oo isku wareeg ah taasi oo u dhiganta (45,300 mayl)

  • Luuqadaha ugu waawayn ee looga hadlo:Tigrinya, Tigre, Carabi iyo English

  • Diimaha ugu waawayn: Diinta Islamka iyo Masiixiyada.

  • Da’da:Inta badan da’da ay dadka ku nool gaaraan waa 60 sano (ragga), halka dumarka ay gaaraan inta badan 64 sano.

  • Lacagta dalka: Nakfa

Barta ay Facebook ku leeyihiin saddexda luuqadood ayaa mar hore soo jiitay dad badan oo danaynaya.

Luuqada Oromada bartooda Facebook waxaa ku soo biiray 30,000 saddex maalmood ka dib markii la furay.

Balse arrinta xusidda mudan ayaa ah in xawaaraha internet-ka labada dal uu aad u hooseeyo.

"Idaacadaha ku bixi doono luuqadahan ayaa muhim u noqon doona macluumaadka muhimka u ah BBC ee laga heli doono dalalka Itoobiya iyo Eritrea,” ayuu yiri Will Ross.

"Ujeedada ugu wayn ayaa waxa ay tahay in dadka Itoobiya iyo Eritereya gacan laga siiyo in ay si wanaagsan u fahmaan booska ay caalamka kaga jiraa,” ayuu intaa ku daray Ross.

Luuqadaha cusub ee BBC qaybteeda dibadaha la hadasho lagu soo kordhinayo ayaa waxa ka mid ah.

Luuqadaha looga hadlo Africa:

  • Afaan Oromo: oo ah luuqada dadka ugu badan Itoobiya ay ku hadlaan.

  • Amharic:Luuqadda rasmiga ah ee dalka Itoobiya.

  • Tigrinya:Waa luuqada looga hadlo Eritrea, waxaa sidoo kale looga hadlaa Itoobiya.

  • Igbo:Waa Luuqadda rasmiga ah oo looga hadlo Nigeria,waxaana sidoo kale looga hadlaa dalka Equatorial Guinea.

  • Yoruba:Waa luuqad looga hadlo galbeedka Nigeria iyo qaybo kale oo ka mid ah galbeedka Africa,gaar ahaan dalalka Benin iyo Togo

  • Pidgin:Waa luuqad inta badan looga hadlo Koonfurta Nigeria, Ghana, Cameroon iyo Equatorial Guinea

Laamaha cusub ee qaar ka mid ah luuqadaha looga hadlo qaarada Aasiya:

  • Gujarati:waa luuqad looga hadlo gobolka Gujarat ee Hindiya,balse waxaa sidoo kale looga hadlaa qaybo kale oo Hindiya ah iyo caalamka.

  • Marathi:waa luuqad looga hadlo gobolka Hindiya ku yaalla ee Maharashtra,oo ay ak mid tahay caasimada ganacsiga ee Mumbai

  • Telugu:Dad badan oo luuqadan ku hadlo ayaa ku nool Hindiya gaar ahaan gobolada Andhra Pradesh iyo Telangana

  • Punjabi:Waa mid ka mid ah luuqadaha dadka ugu badan ay ku hadlaan caalamka,waxaa inta badan looga hadlaa dalalka Pakistan iyo qaybo ka mid ah Hindiya.

  • Korean:waa luuqad looga hadlo dalalka Koonfurta Kuuriya iyo wuqooyiga Kuuriya inkastoo lahjad ahaan ay kala duwan yihiin.