Madaxweyne Donald Trump Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dalalka Kuuriyada Waqooyi Iyo Iiran

0
Wednesday September 20, 2017 - 09:26:53 in by Burco Office
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Donald Trump Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dalalka Kuuriyada Waqooyi Iyo Iiran

    Madaxweyne Donald Trump Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dalalka Kuuriyada Waqooyi Iyo Iiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Donald Trump Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dalalka Kuuriyada Waqooyi Iyo Iiran

Madaxweynaha Mareykanka Donald trump ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.


Trump ayaa ku dhaliilay Kuuriyada Waqooyi dedaalka ay ugu jirto in ay sameysato hubka nukliyeerka, waxaanu sheegey in uu baabiin doono wadankaas haddii Mareykanku uu khatar ka dareemo.

Madaxweyne Trump waxa kale oo uu weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku deydey in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump waxa uu ugu baaqay Iiraan in ay dadkeeda ilaashato oo aanay taageerin kooxaha jihaad aloosayaasha ah.

Dhanka kale Iiran ayaa si cadho leh uga jawaabtya khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibedda ee dlakaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga bahnayn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-naad.

Hase ahaatee waxaa isna arrinkani ka hadlay Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaadhay.