Sucuudiga: Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !

0
Thursday September 21, 2017 - 09:50:32 in by Burco Office
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga: Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !

    Sucuudiga: Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga: Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !

Guud ahaan dad ku nool dalkaasi Sucuudiga ayaa waxay ku hawlan yihiin u diyaar garawga xuska maalinta aasaaskii boqortooyada dalkaasi, dad badan ayaa waxay u dalxiis tagaan goobaha dalxiiska ee kala duwan halka dadka qaarna ay noloshooda halis u galiyaan sidii ay u samayn lahaayeen waxyaabo la yaaba amase ku ah dadka badankood si ay ugu soo bandhigaan asxaabtooda oo ay ugu faafiyaan baraha bulshada.

48545b83-79c0-4182-b546-5cec034dabb7_16x9_600x338Diyaaradaha shiraaca ayaa ah kuwa qadiim ah oo qarniyadii hore la adeegsan jiray laakiin diyaaradaha noocan ahi way dabar go’een waxaana haatan la adeegsadaa diyaaradaha kala duwan ee casriga ah, sidoo kale dadka ku nool dalkaasi ayaa had iyo jeer xiiseeya inay isticmaalaan waxyaabihii qadiimiga ahaa ee waayahii hore loo adeegsan jiray.

Haddaba, laba wiil oo u dhashay dalkaasi kana soo jeeday magaalada Cinaysa ee dalkaasi ayaa waxay raaceen diyaarad shiraac ah, balse nasiib darro diyaaradaasi way la dhacday waxaana halkaasi ku naf waayeen hal wiil halka saaxiibkiisii wehelinayay ay soo gaadheen dhaawacyo halis ah, sidaana waxa xaqijiyay madaxa Ha’yadda duulimaadyada ee dalkaasi waxa aanay sheegeen inay baadhitaan hor leh ku samayn doonaan shilkan si ay u ogaadaan sababta keentay shilkaasi.