Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Soo Bandhigtay Sababtii Ay U Laaleen Natiijadii Doorashada

0
Thursday September 21, 2017 - 09:59:04 in by Burco Office
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Soo Bandhigtay Sababtii Ay U Laaleen Natiijadii Doorashada

    Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Soo Bandhigtay Sababtii Ay U Laaleen Natiijadii Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Soo Bandhigtay Sababtii Ay U Laaleen Natiijadii Doorashada
  •  
  • Garsoorayasha maxkamadda ugu sareysa Kenya ayaa maanta soo bandhigay guddoon faah faahsan oo ku saabsan sababta ay u laaleen natiijada doorashadii madaxtinimada ee Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay.


    Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay in guddiga doorashada ay diideen amarkii maxkamada ee ahaa in lagu soo wareejiyo faahfaahin ku saabsan nidaamka qalabka casriga ah ee doorashada.

    Mrs Philomena ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee IEBC uu ku guuldaraystay in uu u hogaansamo amarka maxkamadda ee tahay mid u cadaysay garsoorayaasha in ay run tahay eedeeynta NASA ee ah in la jabsaday qalabka elektronigada ee lagu maareenayey natiijada doorashada.

    Maxaa ka mid ah qodobada loo cuskaday laalida doorashada

    • Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda cadaaladda ay masuuliyad ka saran tahay xaqiijinta sax ahaanshaha nidaamka codaynta, tirinta iyo soo gudbinta natiijada doorashada.

    • Garsoorayaasha waxa ay sheegeen in NASA aysan cadayn in IEBC ay ku dhawaaqeen natiijada madaxwaynanimada ka hor inta aan la soo wada gudbin dhamaan 40,883 diiwaan oo ah nooca loo yaqaano Foom 34A.

    • Garsoorayaasha ayaa sheegay in dadka ay telafishanada ka daawanayeen natiijada doorashada balse aanan loo sheegin goobaha ay natiijada ka soo dhacayso

    • Maxkamadda ayaa waxa ay sheegtay in ay ahayd in gudiga IEBC uu doorashada u qabto sida uu dhigayo sharciga dalka.

    • Waxay sheegeen in gudiga doorashada ay qasab ku tahay in doorashada ku celiska ah ay u diyaariyaan nidaam la adeegsan karo hadii qalabka tiknoolajiyada uu shaqayn waayo.

    • Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameeyeen 4,299 diiwaan oo ka mid ah warqadaha ay ku arkeen kala duwanaashiyo balaaran.

    Yaa qabanaya doorashada ku celiska ah ee Kenya?

    Ka dib go’aanka maxkamadda, waxay su’aal ka taagan tahay kalsoonida lagu qabi karo Guddiga doorashada

    Mucaaradka waxay dalbanayaan in xubno ka mid ah guddiga meesha laga saaro, kuwaas oo ay ku eedeynayaan in ay qaladkii dhacay masuul ka ahaayeen.

    Guddiga doorashada ayaa iska fogeeyay eedaas, waxayna sheegeen in ay doorashada qaban karaan.

    Dadka siyaasadda falanqeeya waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in mucaaradka iyo dad kale ay maxkamad aadaan si guddiga loo kala diro madaama eedda ugu badan ay ayaga ku dheceyso.

    Maxkamadda sare waxa ay sheegtay in guddiga uu yahay midka ku guuldareystay in doorasho xor iyo xalaal ah uu qabto.

    Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa diidan in 17-ka October la qabto doorashada.

    Xisbiga Talada haya ee Jubilee ayaa ku adkeysanaya in guddiga IEBC uu qaban karo doorashada lana qabto xilliga loo qorsheeyay.

    Caqabadaha hortaagan Doorashada ku celiska ah

    Maxkamada ugu sareysa ee Kenya ayaa amartay in doorashada ku celiska ah ee madaxwaynaha la qabto 60 maalmood gudahood.

    Balse wali waxa uu muran ka taagan yahay goorta la qabanayo iyo cidda qabanaysa.

    Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa waxa ay ku baaqayaan in gabi ahaan ba la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira.

    Madaxda Nasa ayaa waxa ay ku hanjabeen "in aysan doorashada ka qayb gali doonin” haddii ay qabanayaan gudiga hadda jira.

    Mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale dalbanayaan in qandaraaska warqadaha codaynta aan mar kale la siin shirkada Al Ghurair oo fadhigeedu yahay Dubia.

    Dhanka xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka soo horjeeda dalabka Raila, waxayna doonayaan in la dedejiyo doorashada.

    Caqbada kale ee jirta ayaa ah in xubnaha guddiga doorashada ugu sareeya uu ka dhextaagan yahay muran.

    Haddii la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira waxay shaki gelineysaa xilliga doorasho ay ka dhici karto Kenya iyo cidda sii maamuli doonto.

    Maxaa ka mid ah eedaha IEBC loo jeediyay?

    Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay:

    • In nidaamka codaynta la jabsaday, codad lagu daray

    • In IEBC aysan qirsanayn in ay guuldaro jirto

    • In caddeyntii laga dalbaday aysan soo gudbin

    • Dukumiintiyada qaar in aysan sax ahayn

    • Qalabka IEBC in ay isticmaaleen dad aan fasax u haysan

    Gudoon Taariikhi ah

    Go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare, horraantii bishan ayaa ahaa mid lama filaan ah.

    Waxaa layaab ay ku noqotay Kenya, Afrika iyo guud ahaan caalamka.

    Wuxuu ahaa go’aan markii afaraad caalamka ka dhacay oo doorasho madaxweyne lagu tilmaamay mid wax kama jiraan ah.

    Xukunka maxkamadda Kenya ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee Afrika mid noociisa ah uu ka dhaco.

    Wuxuuna go’aankaasi soo celiyay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen garsoorayaasha iyo waaxda cadaaladda.

    Waxa jira kiisas badan oo la geeyay maxkamadaha dalka Kenya kuwaasi oo ka dhan natiijada qaar ka mid ah madaxdii heerarka kala duwan ee la soo doortay.

    Rajada laga qabo ayaana ah in dacwadahaasi oo dhan loo qaado si cadaalad ah.

    Jawaabta siyaasiyiinta.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii hore soo dhoweeyay go’aanka, laakiin dib ayuu ka dhaliilay garsoorayaasha.

    "Kuma raacsani sida go’aanka uu kusoo baxay, laakiin waan xushmeynayaan”, ayuu yiri Kenyatta.

    Balse daqiiqado ka dib asigoo la hadlayay taageerayaashiisa wuxuu madaxda maxkamadda ugu sareysa ee Kenya ku tilmaamay "burcad”.

    Madaxwayna ku xigeenka Kenya Willaim Ruto ayaa dhankiisa sheegay in shaqsiyaad kooban ay laaleen go’aankii ay gaareen malaayiin Kenyan ah oo ay ku doorteen xisbiga Jubilee.

    Waxa wali socda weerarka dhanka afka ah ee ay madaxda sarsare ee dalka ku hayaan waaxda garsoorka dalka.

    Dhanka mucaaradka ayaa si wayn u soo dhaweeyay guusha ay maxkamada ka gaareen, waxa ayna sheegeen in ay jireen cadaymo badan oo ay geeyeen taasi oo horseeday in doorashada la laalo.

    Mucaaradka ayaa horey u dhaliili jiray garsoorayaasha oo ay ku eedeeyn jireen in laaluush ay ka qaataan madaxda talada haysa.

    Xigasho: BBC