Haweenaydii Adduunka Ugu Taajirsanayd Oo Geeriyootay.
Haweenaydii adduunka ugu taajirsanayd oo lagu magacaabo Liliane Bettercourt ayaa geeriyootay iyada oo 94 jir ah.
Waxa ay lahayd shirkadda L’Oreal ee soo saarta alaabaha dumarka isku qurxiyaan.
Waxaa hantideeda lagu qiyaasay $40 bilyan oo doolar xisaabx-xir la sameeyay sanadkan 2017-ka.
Agaasimaha shirkadda oo lagu magacaabo Jean-Paul Agon ayaa sheegay in uu ka baxay qof agtooda aad ugu weynaa, wax badana u huray shirkadda.
Sanadkii 2007 ayaa waxa dacwad maxkamad geysay gabadheeda Francoise Bettencourt oo ku dooday in si qaldan ay hooyadeed uga faa’iidaysanayaan shaqaalaheeda xili caafimaad darro ay soo foodsaartay.
Waxaa dib kasoo baxday in nin taariikhdeeda qorayay hadiyad ahaan loo siiyay hanti ku kacaysa boqolaal milyan oo doolar.
Waxaa dib kasoo baxday fadeexad siyaasadeed kadib markii la sheegay in nin lagu magacaabo Patrice de Maistre, oo ahaa madaxa maaliyadda haweeynayda uu lacag siisay ololaha madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy sanadkii 2007-dii.
Saamigii ay ku lahayd shirkadda L’Oreal iyo hantideedii kale ayaa waxaa lagu wareejiyay hay’ad ay madax ka tahay gabadheeda.
Aabaheed oo lagu magacaabi jiray Eugène Schueller ayaa Faransiiska ku asaasay shirkaddan 1909-kii, waxayna hadda noqotay shirkadda ugu weyn adduunka ee soo saarta waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan, sida kareemada, waxyaabaha tinta la marsado, rooseetooyinka, indha-kuusha iyo waxa la midka ah.
Haweenaydii Adduunka Ugu Taajirsanayd Oo Geeriyootay.
Haweenaydii Adduunka Ugu Taajirsanayd Oo Geeriyootay.