Dawladda Soomaaliya Oo Mar Kale Caalamka Ka Codsatay In Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado
Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, cunaqabateynta hubka ee saaran dalkase ay xaddidayso in laga guul gaaro ujeeddadaas.
Waxa uu sheegay in argagixisada ay weli tahay mid ka mid ah caqabada cakiran ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay buu yiri caalamka oo dhan.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada ku aaddan sidii looga hortegi lahaa aafadaas.
Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo "dadaalkasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka ururrada argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo Al-qaacidah kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin argagixisada gudaha.” Ayuu yiri Khayre.
"Waa in la laba laabaa dadaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah kooxahaasi oo kale.” Ayuu ku sii daray.
Soomaaliya ayuu sheegay inay gaartay guulo wax ku ool ah oo ay ku yaraysay awoodda Al-Shabaab.
Hasayeeshee waxa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay si weyn u xaddidayso in guul laga gaaro ujeeddadaas.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay inay sii wadi doonto sidii ay ugala shaqeyn laheyd Golaha Ammaanka iyo dhinacyada kalaba sidii cunaqabateynta hubka dalka looga qaadi lahaa.
Dawladda Soomaaliya Oo Mar Kale Caalamka Ka Codsatay In Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado
Dawladda Soomaaliya Oo Mar Kale Caalamka Ka Codsatay In Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado