Dawladda Shiinaha Oo Xadidaysa Xidhiidhka Ganacsiga Ee Ay la Leedahay Dalka Kuuriyada Waqooyi

0
Saturday September 23, 2017 - 09:41:17 in by Burco Office
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Shiinaha Oo Xadidaysa Xidhiidhka Ganacsiga Ee Ay la Leedahay Dalka Kuuriyada Waqooyi

    Dawladda Shiinaha Oo Xadidaysa Xidhiidhka Ganacsiga Ee Ay la Leedahay Dalka Kuuriyada Waqooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Shiinaha Oo Xadidaysa Xidhiidhka Ganacsiga Ee Ay la Leedahay Dalka Kuuriyada Waqooyi

Dowlada Shiinaha ayaa xadidaysa xidhiidhka ganacsiga shidaalka ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya la leedahay. Waxaa sidoo kale la joojinayaa iibka dharka ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya laga soo iibsado.


Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa leh xidhiidh ganacsi oo muhiim ah.

Joojinta iibinta dharka ayaa xukuumada Waqooyiga Kuuriya waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn .

Tillaabadani ayaa ka dambaysay cunaqabatayn horleh oo Qaramada Midoobay ay saartay dalkaasi Waqooyiga Kuuriya.

Shiinaha ayaa saaxiib soo jireen ah la ahaa Waqooyiga Kuuriya, balse tijaabooyinka hubka ee Pyongyang ayaa arrimahani sababay

War ka soo baxay wasaarada ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegaya in tilaabooyinkani ay hirgeli doonaa bisha Octobar kowdeeda.

Waqooyiga Kuuriya waxaa sidoo kale ay kala fogaanayaan wadanka Maraykanka oo weerar afka ah ay hadda isku hayaan.