5-ta jeel ee ugu Halista badan dunid

0
Tuesday February 25, 2014 - 02:38:05 in by Holland Office
  • Visits: 3518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5-ta jeel ee ugu Halista badan dunid

    Xabsiyada ugu xun aduunka waxaynu mid mid uu dul istaagi doona 5-ta ugu sii daran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsiyada ugu xun aduunka waxaynu mid mid uu dul istaagi doona 5-ta ugu sii daran

prison-bars-Optimized-Optimized-Optimized

Jeelasha am xabsiyada ayaa badiyaaba waxa loo sameeya amnigoodana loo adkeeya si ay dadka khariban looga fogeeyo muwaadiniinta nabadgalyada jecel, hadaba jeelashan 5ta ah ayaa la kaliyaata waxa la keenaa dadka sameeya dambiyo aan maskaxda binu aadamka kusoo dhacayn, iyadoo isla markaana ay jiraan qaar ka daran kuwa jeelaashan la keeno oo la isu dhaafiyo dhincaas iyo cusbitaalka waalida, hadaba jeelashan 5ta ah ayaa ugu khatar badan dunida.

5. Xabsiga Tadmur:

T__66f9011cf7f2

Xabsigani waxa uu ku yaalaa Saxaraha wadanka Syria, waxaana laga sheekeeyaa sheekooyin aad u naxdin badan oo soo waajahday dad jeelkaasi ku xidhnaa.

Waa xabsi la wada yaqaan oo ku caan baxay dambiyada laga gaysto xuquuqda binu aadamka, isagoo intaasina ay u dheertay goobta uu ku yaalo oo ka dhigaysa nolosha qofka cadaab, waxaana la idhaahdaa ma jiro qaab looga  baxsan  karo jaxiimkani.

4. Xabsiga  Arther road:

02-pakistan-terror-n090720-Optimized

Xabsigani ayaa waxa uu ku yaala wadanka India waana ka ugu amaan badan dhamaan jeelsha wadankaasi, waxaanuu caan ku yahay in la isugu keeno dadka ugu xunxun wadankaasi, waan a jeelka kaliya ee dunida ku dul yaala oo aanay wax shuruuci ka jirin inta maamulka jeelku idhaa mooyaane.

3. Xabsiga La Sante:

la sante-Optimized

Jeelkan oo ku yaala wadanka France ayaa ah xabsi ay ka cabsoodan in ay tagaan amaba la geeyo dadka dambiyada sameeya kuwa ugu khatar san caalamka, iyaadoo aanay marnaba suurto gal ahayn in laga baxsado, dhawr jeer oo la isku dayayna ay ku dhinteen dadkii isku daygaas ku kacay.

2. USA federal Prison:

mn-prisons10_ph7_0499778754-Optimized

Xabsigan ayaa  ah meel aad qaladaadkii iyo dambiyadaad gashay dib ugu saxi kartid, hase ahaate waa meel aad u adag in aad ku noolaatid, jeelkan oo ku yaala wadanka America ayaa waxa lagu tilmaama in uu yahay Jeelka ugu casri san dunida, waxaa ku xidhan noocyadii ugu dambeeyay ee technology-da dareenta dhaqdhaqaaqa, taasi oo ka dhigaysa in aad baxsatid mid aad u adag.

1. Xabsiga Super Max:

super max-Optimized
Xabsiga Super Max

Xabsigan ayaa waxa ugu yar ee laga odhan karaa waxa weeye in uu yahay jeelka ugu argagixinta badan dunida, maxaabiista marnaba kama soo baxaan barta yar ee ay ku jiraan, waxaa ku yaala meel loo yaqaan "Super Max Elbowā€¯ oo lagu ilaaliyo dambiilayaasha ugu daran, looma ogolaado in  uu wax tacaamuli ka dhexeeyo amaba ay la sheekaystaan maxaabiista kale, balse hadii ay hagaajiyaan dhaqankooda waxaa ay helaan abaal marino ay ka mid yihiin Radio iyo TV.

Diyaariye:Adnaan Shawahaaye