Lix Qof Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Magaalada London

0
Sunday September 24, 2017 - 09:44:34 in by Burco Office
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix Qof Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Magaalada London

    Lix Qof Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Magaalada London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lix Qof Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Magaalada London

ix qof ayuu dhaawac ka soo gaaray weerrar ka dhacay bariga London oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday walxo sun ah, weerrarkaas ayey rag ka gaysteen dhowr goobood oo u dhaw aagga laga dukaamaysto.


Booliska ayaa tegay xarunta Startford saacaddu markii ay aheyd 8-dda fiidnimo xilliga London kaddib markii uu muran dhexmaray laba kooxood oo rag ah, halkaas oo lagu soo tuuray walxo sun ah.

Howlwadeenada gaadhi nooca gurmarka degdega ah ayaa waxa ay goobta ku dabiibeen ilaa lix qof iyadoo saddex ka mid ahna loo qaaday isbitaalka.

Wiil 15 jir ah ayaa lagu soo xiray wax looga shakiyay inay jirka dhaawac gaarsiin karaan.

Dadka dhaawaca ah oo loo malaynayo in dhawaacoodu uusan khatar ahayn, ayaa waxaa la rumaysan yahay in lagu dhaawacay dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay inay faafto cabsi ku saabsan in dadka si teelteel ah loo beegsanayo.

Sikastaba ha ahaatee booliska London ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay wax ka soo gaareen weerrarka hore.