Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

0
Sunday September 24, 2017 - 10:03:24 in by Burco Office
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.


Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, howlaha UN-ka uu ka wado iyo sidii loo xoojin lahaa.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha QM iyo Hey’addaha dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ammaanay horumaradii kala duwanaa ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in dalka horumaro la taaban karo ka jiro, isagoo soo hadal qaaday caqabado dowladda ka heysa dhinacyada siyaasada iyo arrimaha bani’aadanimada.

Ugu dambeyn Raysal Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya.