Dawladda Kuuriyada Waqooyi Oo Digniin Culus U Dirtay Mareykanka.

0
Sunday September 24, 2017 - 10:05:58 in by Burco Office
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Kuuriyada Waqooyi Oo Digniin Culus U Dirtay Mareykanka.

    Dawladda Kuuriyada Waqooyi Oo Digniin Culus U Dirtay Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Kuuriyada Waqooyi Oo Digniin Culus U Dirtay Mareykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa uga digtay Mareykanka inay qaadi doonto tallaabo naxariis la’aan ah oo ay isku difaacayso haddii ay u soo muuqato astaan weerrar oo uu Mareykanku la maagan yahay.


Digniinta ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho, uu khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay, kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ee bambooyinka rida ee B-1B oo ay galbinayaan diyaaradaha dagaalka ay dul mareen biyaha bariga Kuuriyada Waqooyi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanku ay dul mareen cirifka shishe ee waqooyi halkaas oo ka baxsan xeebaha Kuuriyada Waqooyi.

Khudbad uu Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in Mr Trump uu yahay in nin ‘caqligiisu uusan taam ahayn’.

Waxa uu sheegay si kasta oo cunaqabatayn adag ay Qaramada Midoobay dalkiisa ugu soo rogto ay Pyongyang ay sii wadi doonto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba waxa ay ku baaqeen in la soo afjaro hadallada kulul ee sii kordhaya ee ay isdhaafsanayaan labadaasi dal.

Dhanka kale Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya iyo Iiraan inay wada shaqeeyaan, saacado kaddib markii Tehraan ay sheegtay inay tijaabisay gantaal cusub oo ridadiisu ay meel dhexaad tahay.