27 Sanno Ka Dib Diyaaradii Ugu Horreysay Oo Habeen Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

0
Sunday September 24, 2017 - 10:09:50 in by Burco Office
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 Sanno Ka Dib Diyaaradii Ugu Horreysay Oo Habeen Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

    27 Sanno Ka Dib Diyaaradii Ugu Horreysay Oo Habeen Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

27 Sanno Ka Dib Diyaaradii Ugu Horreysay Oo Habeen Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho
  •  
  • Markii u horeysay Mudo 27 sano ah ayaa xalay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ay k asoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka.


    Diyaarad dad ka badan boqol qof oo rakaab ah sida oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways ayaa abaarihii 08:10 n daqiiqo kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxayna rakaabka saarnaa diyaarada ay u badnaayeen xujay ka timid dalka sucuudiga carabiya

    Xiligii ay diyaaradu ka degaysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa ku suganaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.

    Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Muqdisho waxaa dhistay Xukuumadii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaasadda Bare, waxaana dib u howlgaliyay xukuumadda Cabdullaahi Yuusuf Sanadkii 2006dii markii uu muddoo 15 sanno ah uu xidhnaa.