Mas'uulkii Ugu Da'da Yaraa Taariikhda Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobey

0
Sunday September 24, 2017 - 10:13:26 in by Burco Office
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uulkii Ugu Da'da Yaraa Taariikhda Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobey

    Mas'uulkii Ugu Da'da Yaraa Taariikhda Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uulkii Ugu Da'da Yaraa Taariikhda Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobey

Amiir Al Hussein Bin Abdullah II oo ah dhaxal sugaha dalka Jordan ayaa noqday mas’uulkiii ugu da’da yaraa taariikhda ee khudbad ka jeediya Shirka Golaa Guud ee Qaramada Midoobey.


Amiir Al Hussein oo ah 23 jir ayaa dhashay sanadkii 1994, waa mid ka mid wiilashada Boqor Abdullah II, sanadkan waxaa uu hoggaaminayay wafdiga Jordan uga qeyb galay shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobey.

Khudbad taariikhi ah ayuu ka jeediyay fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ka hadlay xaaladaha ay wajahayaan dhalinyarada, dhibaatada dalkiisa ka heysato colaadaha xuduuda.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uu marti geliyay 1.3million oo qaxooti ka soo cararay colaada Suuriya, waxaa uu soo hadal qaaday dhibaatada dalkiisa ku yeelatay xasaradaha ka jira dalal badan, sida Ciraaq, Yemen, Suuriya iyo Libiya.

Amiir Al Hussein ayaa sanadkii hore 2016 ka qalin jebiyay Jaamacadda Georgetown ee ku taal magaalada Washington.

Sanadkii 2009-kii ayaa loo magacaabay dhaxal sugaha Jordan, iyadoo laga qaaday jagadaas adeerkiis Amii Hamzah Bin Al Hussein.