Yaa ka dambeeyo in Maanta Xaaf xayiraad la saaro?
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa banaanka keenay fadeexad iyo sir fakatay oo ku saabsan cidda ka dambeyso xayiraadii maanta la saaray Xaaf taasoo shan jeer lagu xayiray Hawada Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dowlada federaalka ay xayirtay diyaarad uu u soo qaadan lahaa magaalada Cadaado, isla markaana ay ku qaadatay muddo 5 saacadood ah inuu ku sugnaado Garoonka Hargeysa, isagoo waayay diyaarad uu soo qaato.
Xildhibaan Fiqi ayaa soo bandhigay email uu shirkadaha diyaaradaha diray agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo diyaaradaha ku amrayo inaysan ku degi karin garoomada Cadaado iyo Gaalkacyo arrimo farsamo dartood.
Halkaan hoose ka akhriso Emailka iyo qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook
Fadeexad cad sida ay hey’adaha dawladda qaarkood ugu fashilmeen hakinta diyaaradii maanta ka soo qaadi laheyd madaxweynaha Galmudug Xaaf Hargaysa, si inqilaab qorshaysnaa uu halkaas uga dhaco
waa ayaandarro in faragalintii arimaha Galmudug ay halkaas gaartay, gaar ahaan hey’adda Duulista & Saadaasha Hawada (SCAMA), waana lagama maarmaan in shaqsiyaadka dawladda dhexe ka tirsan ee inqilaabkaas ku lug yeesha lala xisaabtamo.
Yaa ka dambeeyo in Maanta Xaaf xayiraad la saaro?
Yaa ka dambeeyo in Maanta Xaaf xayiraad la saaro?