Maayarka Burco oo Dabaal-barad ku Tilmaamay Madaxda Xisbiga WADDANI

0
Monday September 25, 2017 - 14:21:01 in by Burco Office
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Burco oo Dabaal-barad ku Tilmaamay Madaxda Xisbiga WADDANI

    Maayarka Burco oo Dabaal-barad ku Tilmaamay Madaxda Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Burco oo Dabaal-barad ku Tilmaamay Madaxda Xisbiga WADDANI Maayarka Burco oo Dabaal-barad ku Tilmaamay Madaxda Xisbiga WADDANI

Maayarka magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa si adag ugu hanjabay madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dabaal-barad, waxaannu sheegay in aanay KULMIYE kula loomi karin hanashada taageerada Bulshada bulshada Burco.

Maayar Muraad waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay madaarka Cigaal International Airport, isaga oo ka soo laabtay safar shaqo oo muddo laba todobaad ah ugu maqnaa waddamada bariga iyo badhtamaha Afrika.

"Waxaan joognaa Hargeysa muddo dhawr iyo taban maalmood ah ayaan dalka ka maqnaa, Ilaahay mahaddii waanu ku soo nabad noqonay dalkii, runtiina hawl baa taalla, xisbina waan ka tirsanahay, xukuumaddana waan ka tirsanahay, waana la tartamayaa, maalmahan halka nafta la biday waa Burco ayaan filayaa, waana la isugu imanayaa oo nin kastaana wuu imanayaa, laakiin Burco lafta ayaa badinaysa,” ayuu yidhi Maayarka Burco Maxamed Yuusufuf Muraad.

Waxa kaloo maayarka Burco uu hadallo duur xul ah ku duray madaxda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isaga oo ku hal-qabsanayey tixo gabay ah,waxa uu yidhi; "Dhiidhiibsi aar buu dhurwaa dhan u maleeyaaye, marka uu dhogor maroorkiyo hubsado dhiirida iyo xoogga,’ markaa waxaan leeyahay ha iska sii ciyaaraan dabaal-barad caruuriyo dhallinyaradu dhaashiyo, marka daan cirrooliyo ragga madaxu dayb yahay dirirtaysu soo hadho, warku daaqsin Geel tago, ninba maaxdihaw dego,” Burco nin waliba waxa uu ka yahay ayuu ka noqon doonaa, waanan tegayaa, raga ka bu’ayana waanu isugu tegaynaa ee sii diyaar garooba ayaan leeyahay, waxaan leeyahay soo noqoy ninkii.”