Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Muslimiinta Rohingya Ee Myanmar

0
Tuesday September 26, 2017 - 09:34:01 in by Burco Office
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Muslimiinta Rohingya Ee Myanmar

    Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Muslimiinta Rohingya Ee Myanmar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Muslimiinta Rohingya Ee Myanmar

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa lagu wadaa in khamiiista ay yeeshaan kulan looga hadlayo dhibaatada Myanmar.


Kulanka ayaa waxa codsaday dalalka Mareykanka, Britain ,Fransiiska, iyo afar dal oo kale oo aan xubin joogta ka ahayn golaha ammaanka.

Dalalka kale ee codasaday in golaha ammaanka ay arrintan kulan ka yeeshaan ayaa waxa ay kala yihiin Masar,Kazakhstan, Senegal iyo Sweden.

In ka badan 400,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa qaxay oo gaaray Bangaladesh todobaadyadii ugu danbeeyay iyaga oo ka baxsanaya howlgalada militariga Burme.

Dowlada Myanmar ayaa u aragta dadka Rohingya in ay yihiin kuwa aan u dhalan dalkaasi oo soo galooti ah.

Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa lagu dhaliilay in ay gaabisay wax ka qabashada rabshadaha ka socda Myanmar.

Qaramada Midoobey ayaa wax ka socda Myanmar ku tilmaamtay isir sifeyn.