Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Xalay Ku Geeriyooday Dalka Hindiya
Alle Ha U Naxariisto, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ku geeriyooay waddanka Hindiya.
Alle Ha U Naxariistee, xildhibaanku waxa uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Hindiya oo uu u joogay hawlo caafimaad, sida Somalilandtoday loo xaqiijayayna xalay ayuu xaqii ku haleelay dalkaasi.
Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu kamid ahaa xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland, waxaana uu ahaa mid kamid ah xubinaha ugu firfircoon golaha wakiillada, iyadoo uu ahaa xildhibaankii kursiga gudoonka golahaasi kula tartamay guddoomiyaha golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax oo uu markii danbe uga tanaasulay.
Madaxda, maamulka sare iyo hawl-wadeenada shabakadda Somalilandtoday waxa ay tacsi u dirayaanu dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayXildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.
taariikhda marxuumka wararkayaga dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa haddii Alle Idmo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Xalay Ku Geeriyooday Dalka Hindiya
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Xalay Ku Geeriyooday Dalka Hindiya