Haweenay Muddo 15 Sanno Ah Naafo Iska Dhigaysay Si Ay U Hesho Lacag !

0
Thursday September 28, 2017 - 11:05:30 in by Burco Office
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Muddo 15 Sanno Ah Naafo Iska Dhigaysay Si Ay U Hesho Lacag !

    Haweenay Muddo 15 Sanno Ah Naafo Iska Dhigaysay Si Ay U Hesho Lacag !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay Muddo 15 Sanno Ah Naafo Iska Dhigaysay Si Ay U Hesho Lacag !

Laxaadku waa nimcooyinka ugu qaalisan ee uu Ilaahay SWT ku mannaystay Aadmiga, waxaana loo baahanyahay in looga faa’iideysto sida wanaagsan ee Ilaahay inoogu talo galay, iyadoo ay layaab tahay in dadka qaarkood ka been abuurtaan si ay dano gaar ah oo ay leeyihiin u gaadhaan, waxaana xaqiiq ah in muddada ay doonto ha qaadatee qofka laxaadkiisa ka been abuura maalin maalmaha ka mid ah ay xaqiiqadiisu soo baxayso.

Haweenay ku nool dalkaasi Britain ayaa waxay muddo 15 sano ah iska dhigaysay inay tahay naafo, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Linda Howoy da’deeduna tahay 58 jir ayaa waxa la xaqiijiyay in sababta arrintaasi ku kaliftay ay ahayd inay hesho gunno dheeraad ah oo ay dadka naafada ahi ay helaan.

Linda ayaa sidoo kale waxa la xaqiijiyay inay adeegsan jirtay gaadiidka ay adeegsadaan dadka naafada ahi si ay uga baxsato cashuurta gaadiidka ay dadka caadiga ahi adeegsadaan.

Sidoo kale waxa la xaqiijiyay in haweenaydani tan iyo sanadkii 1996kii ay shaqaysan jirtay, iyadoo lagu maxkamadeeyay magaalada Stanford ayaa waxa lagu xukumay xadhig muddo dhan 18 sano, Garyaqaanka xukumay Linda ayaa sheegay in aanay haweenaydan ku kicin khiyaamo kaliya isla markaana aan la aamini karin hadaladeeda, dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa aad ugu yar guud ahaan dunida waxaana dadka falalkan noocan oo kale ah had iyo jeer loo anneeyaa inay baahidu ku kalifto inay sidaasi oo kale u dhaqmaan, balse Linda arrinteeda ayaa noqotay arrin cajiib ah.