Halis Soo Waajahday Qaxootiga Itoobiya Ee Geeska Afrika

0
Thursday September 28, 2017 - 11:16:14 in by Burco Office
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halis Soo Waajahday Qaxootiga Itoobiya Ee Geeska Afrika

    Halis Soo Waajahday Qaxootiga Itoobiya Ee Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halis Soo Waajahday Qaxootiga Itoobiya Ee Geeska Afrika

Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeynayaa in ay fuliso howlgallo lagu qafaalanayo dadka u dhashay dalkaas ee qaxootiga ku ah dalalka deriska la ah ee Bariga Afrika.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka geeska Afrika, sida Kenya, loo gacan geliyo Maamulka Addis Ababa.

Waxay hay’adda sheegtay in ay sheegeen in lagu jirdilo gudaha Itoobiya, marka dib loo celiyo.

"Qof ayaa isoo weeraray, gacantayda ayaan kor u qaaday si aan isaga difaaco, wuxuu igu soo tuuray gacantay iiga dhaceen, halkan ayaana iga dhaawacantay”, ayuu sheegay qof u dhashay Itoobiya oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Wuxuu BBC-da uga warramay dad uu ku sheegay in ay ka tirsan yihiin laanta sirdoonka ee Itoobiya in ay isku deyeen in ay afduubtaan oo ay ku celiyaan Addis Ababa.

Wuxuu itoobiya ka soo qaxay sideed sano ka hor, ka dib markii la xiray lana jirdilay. Wuxuu sheegay in loo daba joogo sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed, sidoo kale wuxuu sheegay in uu ahaa qof u ololeeya arrimaha xuquuqda aadanaha.

Qalbi DhagaxLahaanshaha sawirka.Image captionQalbi Dhagax, oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF, ayaa Bishii la soo dhaafay lagu wareejiyay Itoobiya

Ninkan oo magaciisa la qariyay sababo amni aawadood, wuxuu sheegy in dhowr jeer la isku deyay in lagu qabsado dalka Kenya, oo loo qaado Itoobiya.

"Waxaan shaqo maamul ka helay maqaayad. Intaan shaqada ku jiray, waxaan meesha imaaday sirdoonka Itoobiya oo askarta Kenya ay la socdaan, wayna I xireen. Ma fahmi karin waxa ay damacsan yihiin. Waan waydiiyay sababta ay ii xirayaan. Marka aad qof xireyso, wuxuu xaq u leeyahay in uu ogaado sababta, marka waxan weydiiyay in ay iisheegaan in aan wax dhacay ama dembi kale geystay.”

Waxaan ninkaas wla waydiiyay : Qaxooti ahaan, qof megengelyo u yimid Kenya, ma dareemeysaa in aad ku nabad galeyso halkan?

"Inkastoo dowladda Kenya ay na marti gelisay, hadana way jiraan caqabado. Si wada jir ah ayey u shaqeeyaan deris ahaan. Laakiin dhibaatooyiin siyaasadeed ayaa dalkeena ka jiro, waana sababtaa midda halkan na keentay, laakiin maadaana aan isu soo dhiibnay sida dad amni doonaya, Kenya na ay saxiixday xeerka qaxootiga, waa in dowladda ay na difaacdaa”.

Hay’adda udooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay ogaatay in kiisas badan oo kuwan la mid ah ay jiraan.

Qofka ugu caansan ee mucaaradka ku ahaa Itoobiya wuxuu ahaa Andegachew Tsege oo 2014-kii laga qabsaday Yaman.

Wuxuu haystay dhalashada Britain, waxaana suuragal ah in xukun dil lagu rido.

Bishii la soo dhaafay, Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Somalida ee ONLF, Qalbi dhagax, ayay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.

Arrintaas waxay dhalisay muran badan iyo dibadbaxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dina Mufti, safiirka Itoobiya ee KenyaLahaanshaha sawirka.Image captionSafiirka Itooboiya u fadhiya Nairobi ayaa beeniyay eedahaas

Felix Horne oo ka tirsan hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegayo in arrimahaas oo dhan ay walaac keenayaan.

Dina Mufti oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay iyo waxa u qoran warbixinta hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha.

"Gebi ahaanba waa warbixin qalad ah. Kama shaqeyno in aan Kenya kala hadalno qof, ama aan dalka ku celino. Waxaan ka shaqeynaa sidii xiriirka labada dhinac loo hagaajin lahaa. Waa iska sheeko waxaas”, ayuu yiri safiirka.

Dowladda Itoobiya waxaa lagu eedeeyaa in si gaar ah ay u ‘weerarto’ xubnaha ka tirsan mucaaradka iyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee dibadda ku sugan.

Laakiin arrinta cusub ee lagu eeganayo dadka qaxootiga ah ama megengelyo doonka ah ayaa hadda cusub, waxaana lagu dhalleeceynayaa in xeerka caalamiga ah ay ku xadgudubtay.