Mulkiilaha Barta Facebook-ga Oo Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Donald Trump

0
Thursday September 28, 2017 - 11:21:59 in by Burco Office
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mulkiilaha Barta Facebook-ga Oo Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Donald Trump

    Mulkiilaha Barta Facebook-ga Oo Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulkiilaha Barta Facebook-ga Oo Beeniyay Eedeymo Uga Yimid Donald Trump

Milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg,ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray madaxwayne Trump oo sheegay in bartani facebook ay mar waliba isaga ka soo horjeedo.


Mr Zuckerberg ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay ka xun yihiin in ay arkaan qoraalo aysan jeclaysan oo lagu baahiyo barta facebook.

Waxa uu intaa ku daray in horey loogu eedeeyay in uu gacan siinayo Mr Trump xilligii lagu guda jiray doorashadii sanaddii aanu soo dhaafnay ka dhacday Mareykanka.

Turmp ayaa horey eedeeyn tan la mid ah ugu soo jeediyay wargeysyada New York Times iyo Washinton Post.

Shirkadda Facebook ayaa ku wareejinaysa 3,000 oo ah xayiisiin dhanka siyaasada ah guddiga baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka.

Shirkadda ayaa rumaysan in xayiisiinadan ay iibsadeen shirkado laga leeyahay Ruushka xilligii doorashadii 2016 iyo doorashada ka dib.

Shirkadaha Facebook,Twitter iyo Google ayaa laga codsaday in ay hortagaan 1 November guddiga Sanetka ee sirdoonka si ay u bixiyaan marqaati ku aadan eedeeynta faragalinta Ruushka.

Mark Zuckerberg ayaa horey u caddeeyay in uusan jeclayn Donald Trump amaba uusan jecleyn siyaasadihiisa.