Murrashax Muuse Biixi oo Jawaab Adag ka Bixiyey Hadallo Laf-jab ku ah Distoorka Dalka oo Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha WADDANI.

0
Friday September 29, 2017 - 13:11:52 in by Burco Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murrashax Muuse Biixi oo Jawaab Adag ka Bixiyey Hadallo Laf-jab ku ah Distoorka Dalka oo Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha WADDANI.

    Murrashax Muuse Biixi oo Jawaab Adag ka Bixiyey Hadallo Laf-jab ku ah Distoorka Dalka oo Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha WADDANI.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murrashax Muuse Biixi oo Jawaab Adag ka Bixiyey Hadallo Laf-jab ku ah Distoorka Dalka oo Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha WADDANI.

"Warbaahinta waxa ku soo baxday guddoomiyaha xisbiga WADDANI (Cabdiraxmaan Cirro) oo yidhi talada iyo hoggaaminta ciidamada qaranka Somaliland hallagu wareejiyo Komishanka Doorashooyinka qaranka, waana nasiib-darro in guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee shalay uu gefka intaas le’eg u badheedho” -Murrashax Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo laf-jab ku ah distoorka iyo shuruucda dalka oo uu dhawaan Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ku dalbaday in hoggaaminta ciidamada qalabka sida oo sida uu ku cad dastuurka qaranka uu masuuliyadooda u wakiishay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey siyaasiyiin ka mid ahaa haldoorkii WADDAN oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa shalay, waxa uu bulshada u sharraxay hadalka distoorka iyo shuruucda dalka ka horimanaya ee uu ku tiraabay murrashaxa xisbiga WADDANI, waxaannu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Warbaahinta waxa maanta ku soo baxday guddoomiyaha xisbiga WADDANI (Cabdiraxmaan Cirro) oo yidhi talada iyo hoggaaminta ciidamada qaranka Somaliland hallagu wareejiyo Komishanka Doorashooyinka qaranka, arrintaasina waxay kasoo yeedhay guddoomiyihii 12-ka sannadood ee wakiillada oo aqoon u leh Distoorka iyo dawladnimada oo ah murrashaxa WADDANI oo doonaya inuu dalka xukumo.”

 

 

 

Murrashax Muuse Biixi waxa uu gef qaran iyo nasiib-darro ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay murrashaxa WADDANI, waxana uu tilmaamay inaanay garasho la’aan ka ahayn, balse ay ujeeddo kale jirto, isaga shacabka reer Somaliland ku boorriyey inay tiraabtaas dhiillada leh u dhug yeeshaan, "Ma filaayo inay aqoon la’aani u geysay, waxaanay ila tahay inuu distoorka aad u garanayo, Distoorka Somaliland waxa ku cad in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo dhan, go’aanka Cabdiraxmaan iyo xisbigiisu ay talada distooriga ah ugu wareejinayaan hay’ad madaxweynuhu magacaabay aqoon-darro kama aha xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahooda, waana nasiib-darro in guddoomiyihii Golaha Wakiillada

 

 

ee shalay oo maantana ka mid ah golaha oo hoggaaminaya xisbi qaran oo murrashax qaran ahi uu gefka intaas le’eg ee distooriga ah u badheedhaana waa nasiibdarro sharciyeed, waxaanan leeyahay arrintaas Cabdiraxmaan garasho-waa maaha ee ujeeddada uu ka leeyahay waaba la ogaan doonaa oo waa la arki doonaa, Shacabka Somaliland-na way ilaalinayaan oo way u feejiganyihiin distoorka qaranka iyo qarannimada Somaliland, ciddii ku xad-gudubtana qaranka oo dhan baa u jooga oo wada arkayee arrintaas qaranku ha ogaado halka ay ku dambayso,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.