Dawladda Ciraaq Oo Duullimaadyada Caalamiga Ah Ka Joojisay Kurdistan

0
Friday September 29, 2017 - 13:41:36 in by salman abdi
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ciraaq Oo Duullimaadyada Caalamiga Ah Ka Joojisay Kurdistan

    Dowladda Ciraaq ayaa maanta joojinaysa duulimaadyada caalamiga ah ee tega ama ka yimaada garoomada gobolka Kurdistan, xilli cadaadis weyn uu saaran yahay maamulka gobolkaasi ka dib aftidii madax bannaanida ee Isniintii dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ciraaq ayaa maanta joojinaysa duulimaadyada caalamiga ah ee tega ama ka yimaada garoomada gobolka Kurdistan, xilli cadaadis weyn uu saaran yahay maamulka gobolkaasi ka dib aftidii madax bannaanida ee Isniintii dhacday.

Dowladda Ciraaq ayaa maanta joojinaysa duulimaadyada caalamiga ah ee tega ama ka yimaada garoomada gobolka Kurdistan, xilli cadaadis weyn uu saaran yahay maamulka gobolkaasi ka dib aftidii madax bannaanida ee Isniintii dhacday.


Waa tallaabadii ugu horaysay ee dowladda Ciraaq ay uga jawaabayso waxay u aragto ku xadgudbidda madax bannaanideeda dhul, ayadoo gelinka dambe ee maanta ay gebi ahaanba joogsan doonaan duulimaadyada caalamiga ah ee gobolka Kurdistan.

Maamulka Kurdiyiinta ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan dastuurka waafaqsaneyn, isla markaana ciqaab wadareed ku ah Kurdiyiinta ka dib markii ay aqbalabiyad ballaaran ugu codeeyeen inay madax bannaani helaan.

Turkiga iyo Iran ayaa labaduba si weyn u diiddan madax bannaani uu helo gobolka Kurdiyiinta, waxaana sidoo kale ay cadaadis saarayaan gobolkan, ayagoo ka cabsi qaba in Kurdiyiinta dalalkooda ay gooni u goosad noqdaan.

Xukuumadda Ankara ayaa shaacisay inay joojinayso tababarka ay siiso xooggaga Kurdiyiinta Ciraaq ee loo yaqaan Peshmerga.

Balse dadka gobolkan ayaan jeceyl u qabin colaad cusub. Turkiga ayaa ku tiirsan shidaalka Kurdistan, dalalka reer galbeedkana waxay ku baaqayaan in xaaladda la dejiyo, waxayna u badan tahay in wadahadal uu u furmo dhinacyada is-haya.

Xukuumadda Baqdaad ayaa sheegaysa in wadahadal uu dhici karo oo keliya haddii la laalo natiijada aftidii dhacday, balse maamulka Erbil ayaa rumaysan in aftida ay sharci ahayd ayna rabitaankooda ku muujiyeen Kurdiyiinta xornimo doonka ah.