Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Khilaaf Xoogani Kajiro

0
Friday September 29, 2017 - 18:40:30 in by Burco Office
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Khilaaf Xoogani Kajiro

    Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Khilaaf Xoogani Kajiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Khilaaf Xoogani Kajiro

ar xogogaal ahi siduu sheegayo,qiyaas ahaan 6dii biloode udanbaysay go'aamada ka soo baxayay maxkamada sare iyo tan dastuuriga oo ka kooban 11 garsoore ayaa waxaa soo saarayay shan garsoore oo uu ku jiro gudoomiyaha maxkamadu go'aamadaas oo ay ka midyihiin kii ku saabsanaa khilaafkii waynaa ee doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada,gudoomiyuhu wuxuu xiliyadii danbe shaqadiisa ku qabanayay gaar ahaan marka dacwadaha culusi jiraan qaar ka mid ah hudheelada magaalada hargaysa isagoo kaxaysta shantaa qareen halka aanu war gelin habayaraatee lixda garsoore ee kale oo ah aqlabiyadii,arintaasina waxay xaqiijinaysaa sida aan loogu kalsoonaan karin.

Warar garsoorka Somaliland u xogogaal ah ayaa sheegaya in gudoomiyaha maxkamada sare ka dhex bilaabay garsoorayaasha maxkamada sare nidaam kooxaysi ah,isagoo isagoo gudoomiyuhu 10kii garsoore ee maxkamada sare 6 ka mid ah iska fogeeyey,dhawr jeerna isku dayay inuu madaxtooyada uga soo qaado warqadii lagu eryilahaa laakiinse ay madaxtooyadu ka diiday arintaas gudoomiyaha,markii u danbaysay ee uu gudoomiyuhu isku dayo arkinkaasina waxay ahayd bishan 9aad bilawgeedii,balse ay xukuumadu kadiiday dalabkiisa maadaama ay doorashadii soodhawdahay,sidaa daraadeedna aanay ahayn wakhtigani xili ku haboon in la taataabto garsoorayaasha maxkamada sare.
Nidaamkan kooxaysiga ah ee uu gudoomiyuhu ka dhex abuuray maxkamada sare waa mid ugub ku ah nidaamka garsoorka Somaliland,waana nidaam uu gudoomiyuhu ku soo dhawaysanayo tiro garsoorayaala ah oo uu u arko inay u dhego nugulyihiin,kuna fogaynayo garsoorayaasha intii ugu waayo aragnimada iyo aqoonta badnayd,kuwaas oo uu gudoomiyuhu aaminsan yahay inay kaga afkaar duwanaadaan dacwadaha culculus gaar ahaan kuwa distooriga ah iyo sidoo kale kuwa miisaanka siyaasadeed leh sida dacwadii murashaxiinta gudoomiyaha golaha wakiidada lagu kala saaray oo ay soo saareen gudoomiyaha iyo afarta garsooge ee uu jeebka ku wato.
Haddaba haddii kooxaysigan iyo kalashakigan maxkamada sare ahna maxkamada dastuuriga ah uu gudoomiyuhu siiwado waxaa hubaal ah inay saamayn ku yeelankarto aayaha qaranka Somaliland,gaar ahaan doorashada dhawaan ka dhicidoonta oo ay maxkamada dastuuriga ahi leedahay go'aanka ugu danbeeya.
Ugu danbayn waxaa jira hadal hayn baan oo ku saabsan inay dhawr ka mid ah garsoorayaasha maxkamada sare iscasilayaan dhawaan,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinkarayn.

Xigasho:Ilo Wareedyo Reer Somaliland Ah