"Wakhtiga Adag iyo Xilliyada Fitnada Waxaynu Kaga Bixi Karnaa, Inaan Dadku Diinta Islaamka Saluugin, Balse ay Xejistaan…" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday Dadku inay diinta Ilaahay ku kalsoonaadaan, oo aanay ka leexin duufaanada iyo dareenada Shaydaanka, Maalka, Awlaada, waa sababaha lagu helo gargaarka Alle.
"Shareecada Ilaahay oo la hirgeliyo. Ilaahay markuu ummada abuuray kitaab ayuu soo raaciyey ay ku dhaqmaan, si dhibaatada uga baxaan. Kolay dadku shuruuc kale ayey adeegsadaan kala-haga, markaa inay sharciga Ilaahay qaataan oo ku dhaqmaan.”
"Ilaahay waxuu quraanka ku sheegay, "Hadaad u hiilisaan Ilaahay, wuu idiin hiilinayaa” u hiilinta Ilaahayna waa in hadyada weyn ee xagiisa ka timi Kitaabkiisa lagu dhaqmo.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in sababaha lagu helo ggargaarka Alle ka mid tahay in dadku sharaf iyo cisiga ka raadiyaan diintooda, waxaanu yidhi,
"Cumar Binu Khadaab oo kormeeraya dhulkii muslimiintu xoraysay ee Shaam oo saxaabiga Abii Cubayda madax ka ahaa ayuu soo maray iliilad biyo socdaan, markaa ayuu intuu kabahii sudhay ushiisa oo degta saartay, hashiina hogaanka qabsaday cago-cadaan kaga talaabay, saxaabigii Abi Cubayda ayaa yidhi, ‘Sidaa si ka fiican ayaan jeclaa inaad samaysid, adigoo Madaxweynahii Muslimiinta ah oo dhexmaraya dhulkii Gaalada aynu ka xoreynay ay ku arkaan, ilayn dad gaalo ah iyo kuwo Islaam ah way joogane! Cumar RC aad ayuu uga xumaady hadalkii saxaabiga, waxuu yidhi ‘Ahay-aah, muu ahayn ninkii odhan lahaa hadlaka adiga, Abi Cubaydow ereygaaa? Markaa Cumar Binu Khadaab hadalkiisii dhaxalgalka noqday ayuu yidhi, "Waxaynu ahayn qoom dadka ugu dulisan, Ilaahay waxuu innagu ciseeyey diinta Islaamka, Mar kastoo cisiga aynu ka raadino meel aan islaamka ahayna, Ilaahay wuu inna dulaynayaa! Cisiga dhar la gashado, borotokoolaad iyo isgiijin laguma helo, ee diinta oo lagu dhaqmo ayaa lagu helaa.