Ururka Shabaab oo sheegay weerarkii ay ka fuliyeen Bariire inay ugu aargudayeen dadkii lagu dilay duleedka Jilib

0
Saturday September 30, 2017 - 09:42:14 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Shabaab oo sheegay weerarkii ay ka fuliyeen Bariire inay ugu aargudayeen dadkii lagu dilay duleedka Jilib

    Ururka Shabaab ayaa fah-faahin waxa ay ka bixiyeen weerarkii ay ka gaysteen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose shalay oo Jimco aheyd. Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Ururka Al Sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Shabaab ayaa fah-faahin waxa ay ka bixiyeen weerarkii ay ka gaysteen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose shalay oo Jimco aheyd. Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Ururka Al Shabaab, wuxuu sheegay sababta weerarkaasi ay u fuliyeen inay tahay u aargudista sida uu hadalka u dhigay dadkii lagu laayay duleedka Jilib.


Diyaarado dagaal ayaa dad shacab ah waxa ay ku dileen Bishii la soo dhaafay deegaanka Sheekh Axmed Yare, inkastoo Dowladda Somaliya markii dambe ay sheegtay dadkaasi inay ahaayeen Shabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay ku dhawaad 30 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Somaliya in lagu dilay weerarkaasi, sidoo kalena ay qabsadeen 11 Baauurta dagaalka ah.

"Haddii ay gaaladu Bariire ku xasuuqday tobaneeyo Muslimiin ah, iyagana wuxuu maanta Khasaarahooda marayaa in ka badan 30 murtadiinta ka mid ah sida aan ku hayno Akhbaarta hordhaca ah ee aan ka heleyno Mujaahidiinta, Sidaas si la mid ah Mujaahidiintu markii ay aarsadeen ee ay gumaadeen cadowgii baab’iyey Umadda Soomaaliyeed, waxay halkaas ka soo ganiimeysteen 11 gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka.” ayuu yiri Cali Dheere.

General Sheegow oo ah Taliyaha Guutada 20-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay weerarkii Shabaabka ay soo qaadeen inay iska caabiyeen, dhankoodana ay dileen 18 askari oo Shabaab ahaa.

Ka sokow hadalada Buun buuninta ah ee Shabaab, waxaa jirta weerarkii Bariire in lagu dilay ciidamo badan oo ka tirsan Militariga Somaliya, kuwaasi oo maydkooda la keenay Magaalada Muqdisho.