Dowladda Turkiga Oo La Filayo In Maanta Saldhiga Ugu Wayn Ee Tobabarka Ciidanka Soomaliya Ka Furto Magalada Muqdisho

0
Saturday September 30, 2017 - 10:06:32 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga Oo La Filayo In Maanta Saldhiga Ugu Wayn Ee Tobabarka Ciidanka Soomaliya Ka Furto Magalada Muqdisho

    Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in Magaalada Muqdisho ay ka furto Saldhiga wayn ee tababarka Ciidanka, kaasi oo Dowladda Turkiga ay ka hirgelisay deegaanka Jazeera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in Magaalada Muqdisho ay ka furto Saldhiga wayn ee tababarka Ciidanka, kaasi oo Dowladda Turkiga ay ka hirgelisay deegaanka Jazeera.


Taliyaha Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in xariga uu ka jaro Saldhigaan cusub ee laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.

Saldhigaan oo ah mid caalami ah, islamarkaana ay u dhan yihiin dhamaan agabka kala duwan ee loogu talo galay in lagu tababaro Ciidanka ayaa wuxuu yahay mid loogu talo galay in lagu soo saaro 10-kun oo ciidan.


Turkiga ayaa kaalin muuqata wuxuu ku leeyahay taageerida iyo tababarida Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, iyadoo tani ay muujinayso sida Dowladda Turkiga ay kaga go'an tahay garab istaaga shacabka Somaliyed.

Saldhigan cusub ee ciidanka Turkiga uu ka furay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku baxday dhismahiisa qarashk dhan 50-Milyan oo Doolar, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga.