Waa Markii Ugu Horaysay Ee Abid Xataa Xirfadlayaashii "Darawaladii" Caddaalad Heleen.
Xirfadleyaal si Xarago iyo Xaafad la'aan ah Xalaal guul ku Xasladay
- Waxaa soo idlaaday dhajinta natiijada tartan xirfadleyaal "Darawalo" ay u tartameen kaalmo shaqo oo ka banaanaa hay'adda shaqaalaha dawlada JSL
- Guulaystayaasha oo tiradoodu dhammayd 6 ayaa kasoo dhex baxay tartamayaal 20 ahaa, kuwaas oo galay tartan dhinacyo badan laga eegay sida:
= Diyaar garowga iyo Feejignaanta Darawalka
= Dib u socodka
= Dalcadaha
= Calaamadaha Waddo Marista
- Imtixaan qaadayaasha oo ka kala socday Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada ayaa ugu dambayn soo saaray natiijada guulaystayaasha
- Waxaa Illaahay mahadii ah in aan dedaal weyn ugu jirno in cid walba hesho fursad Caddaladeed iyadoo ilaa imika tartan loo galay dhinacyo kala duwan sida:
*Shaqooyinka Qalinlayda ee Dawlada
*Dhalinyarada ku nool Gobolada Dalka
*Deeqaha Waxbarasho ee Shaqaalaha Dawlada
*Shaqooyinka Xirfadleyaasha ee Dawlada
- Arintan ayaa noqon doonta mid fursad siisay ka sakow qalinlayda in ay xataa xirfadleyaashii helaan tartan furan oo Caddaaladeed, taasi oo ku keentay dareen farxadeed in ay kalkooda wax ka heleen fooraha caddaalada
- Waxaan u mahadcelinayaa masuuliyiinta Hay'adda Shaqaalaha, imtixaan qaadayaasha ka socday W/H/Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada Waddooyinka oo dhamaantood gacan muuqata ku lahaa tartankan
waxaan hayaan ugu jirnaa jidka dheer ee loogu jiro Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn.
Waa Markii Ugu Horaysay Ee Abid Xataa Xirfadlayaashii "Darawaladii" Caddaalad Heleen.
Hargeysa(AFKA);- Waxaa soo idlaaday dhajinta natiijada tartan xirfadleyaal "Darawalo" ay u tartameen kaalmo shaqo oo ka banaanaa hay'adda shaqaalaha dawlada JSL