Bulshada Somaliland Oo Isha Ku Haysa Kala Xulashada Iyo Falaqaynta Musharaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee WADDANI KULMIYE Iyo UCID Oo Afartan Cisho Kadib Tartan Ku Kala Bixi Doona

0
Saturday September 30, 2017 - 18:30:43 in by Hargeysa Office
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada Somaliland Oo Isha Ku Haysa Kala Xulashada Iyo Falaqaynta Musharaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee WADDANI KULMIYE Iyo UCID Oo Afartan Cisho Kadib Tartan Ku Kala Bixi Doona

    Hargeysa-(Afka)-Iyadoo ay maalmo afartan cisho gaadhaya inaga xigaan qansoomida tartanka Doorashada Madaxtooyadda Somaliland oo si guud dalka uga dhacaysa 13-November 2017-ka ayaa waxa si aad ah u soo kordhaya guuxa iyo xiinka bulshada dhexdeeda ka s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Afka)-Iyadoo ay maalmo afartan cisho gaadhaya inaga xigaan qansoomida tartanka Doorashada Madaxtooyadda Somaliland oo si guud dalka uga dhacaysa 13-November 2017-ka ayaa waxa si aad ah u soo kordhaya guuxa iyo xiinka bulshada dhexdeeda ka socda ee ku aadan kala xulashada cida ay Masayrkooda shanta sanno ee socda ku aaminayaan,iyadoo lagu jiro wakhti adag oo sixir barar,nolol xumo,shaqo la'aan iyo rafaad dhinac walba leh oo sanadidii udambeeyay ragaadiyay Shacabka reer Somaliland.

 


Guud ahaan dadka shacabka ah ee ku filiqsan Gobolada Dalka Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya Musharaxiinta Xisbiyayadda siyaasada Somaliland ee doorashadan ku loolamaya sida Musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,Ku xigeenkiisa oo ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici(Madaxweyne Ku xigeenka hadda Jagada haya), Iyo Musharaxiinta Xisbiga Mucaarid ah ee UCID oo kala ah Musharaxa Madaxeyne Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xigeeniisa Axmed Cabdi Muuse,Iyo Sidoo kale Musharaxiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo kala ah Musharax Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Cali Cabdi,waxaanay bulshadu si weyn maalmihii u dambeeyay u faaqidayaan Musharaxiintani iyo kuwa ay u arkaan inuu dalka ka saari karo go’doonka iyo xaalada adag ee siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho ee uu galay iyo rafaadka bulshada ka haysta dhinaca nolosha iyo shaqo la’aanta baahsan ee bulshada wada taabatay.



Waxaa bishan fooda inagu soo haysa ee Bari bilanaysa badhtamaheeda dalka ka bilaamaya ololaha Xisbiyada Qaranka isagoo Xisbi walba yeelan doono maalin u gaar ah oo uu guud ahaan dalka ka ololeeyo islamarkaana uu taageerayaashiisa ugu Khudbadeeyo,waxa sidoo kale Xisbi walba laga dhursugayaa inuu siyaasadiisa uu dalka ku hagayo bulshada ka iibiyo oo uu u soo bandhigo iyadoo ay doorashadani kuwii hore ay kaga duwan tahay iyadoo uu dalku galay hanaan qabiili ah oo bulshada ku abuurantay intii uu Siilaanyo dalka hayay,oo la sheegay inay qabyaaladu gaadhay meel sare oo halis galin karta dalka maadaama oo uu Xisbi waliba reerkooda u xisaabtamayo.

Sikastaba hanoqotee waxay shacabka reer Somaliland ka dhursugayaan inay Xisbiyadda Siyaasadu la horyimaadaan siyaasad hufan oo bisil oo lagu kalsoonaan karo islamarkaana laga dhex arki karo ama laga dhex akhrisan karo curashada hogaamiye lagu badhaadho oo ka saara dalka xaaladda qalafsan ee uu kujiray sannadii udambeeyay ee samaysay guud ahaan Noloshada dadka.