Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Ka Tirsan Gobolada Togdheer Iyo Sool
Taariikh: 01/10/2017
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5053/102017uu ku magacaabay laba degmo oo kala ah, Nasiye iyo bohol. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu istiqaaladii ka diiday gudoomiyihii gobolka Hawd.
ØMadaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey:Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey:Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degmooyin cusub;
Markuu Dhegeystay:Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
2In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Ka Tirsan Gobolada Togdheer Iyo Sool
Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Ka Tirsan Gobolada Togdheer Iyo Sool