Amiirka Qatar Shiikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka wadahadalay xaalada weli taagan ee khilaafka dalalka Khaliijka oo aan weli wax xal ah loo helin.
Dowlada Turkiga ayaa taageero weyn u muujisay dalka xayiraada la saaray ee Qatar, Erdogan ayaa kamid ah hogaamiyayaasha caalamka ee doonaya in Qatar laga qaado xayiraada dhulka, bada iyo Cirka oo ay kusoo rogeen xulafada Sacuudiga.
Warbaahinta Qatar ayaa sheegay in labada hogaamiye ay wakhti dheer ka wadahadlayeen xaalada hada taagan iyo qaabkii loo waji lahaa xayiraada weli saaran dalka yar ee Qatar.
Turkiga ayaa horey maraakiib iyo diyaarado cunto sida ugu diray dalka Qatar oo horey cuntada uga keensan jiray dalka ay jaarka yihiin ee Sacuudiga.
Dhinaca Sacuudiga iyo xulafadiisa Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa ku gacanseeray dadaaladii ugu danbeeyey ee la doonayey in lagu xaliyo xiisada hada taagan, waxayna dalalkaasi u muuqdaan kuwo doonaya inay wakhti dheer xayiraada kusii hayaan Qatar illaa ay dowladaasi ka dareento cadaadiskooda dhinaca dhaqaalaha.
Amiirka Qatar Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Ka Wadahadlay Xaaladda Cakiran Ee Khaliijka
Amiirka Qatar Shiikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka wadahadalay xaalada weli taagan ee khilaafka dalalka Khaliijka oo aan weli wax xal ah loo helin.