"Waa Wakhti Lumis In Wadahadal Lala Galo Kuuriyada Waqooyi" Donald Trump

0
Monday October 02, 2017 - 11:02:18 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Wakhti Lumis In Wadahadal Lala Galo Kuuriyada Waqooyi" Donald Trump

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u sheegay in uu wakhtiga iskaga luminayo isku dayga uu ku doonayo in uu Kuuriyada Waqooyi kagala xaajoodo barnaamijkooda hubka nukliyeerka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u sheegay in uu wakhtiga iskaga luminayo isku dayga uu ku doonayo in uu Kuuriyada Waqooyi kagala xaajoodo barnaamijkooda hubka nukliyeerka ah

.


"Tamartaada kaydso Rex, waxaan samayndoonnaa wixii ay ahayd in aan samayno” ayuu Trump Twitter-ka ku soo qoray, arrintan ayuuna sheegay ka dib markii ay soo baxday in ay jiraan qaabab uu Maraykanku kula xiriiro Pyongyang.

Rex Tillerson ayaa Sabtidii shaaciyay in Kuuriyada Waqooyi aysan aad u danaynaynin wadahadal.

Labada dal ayaa hadallo kulkulul is waydaarsaday bilihii u dambeeyay.

Maraykanka ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi ay hakiso barnaamijyadeeda hubka, iyadoo dalkaasi uu ku celceliyay tijaabinta hubka.

Laakiin dadaalladii wada xaajoodka ayaa u muuqda in ay saamayn ku yeelanayso hab dhaqanka madaxweyne Trump.

Axaddii ayuuna Twitter-ka ku soo qoray "Waxaan u sheegay Rex Tillerson oo ah wasiirkanaga arrimaha dibadda ee wanaagsan, in uu wakhtiga iskaga luminayo isku dayda uu ku doonayo in uu kula hadlo ninka yar ee gantaalka wata” isaga oo ula jeeda Kim Jong-un.