Dawlada Masar Oo Digniino Ka Soortay Cadar La Sheegay Inay Dad Ku Dhinteen

0
Monday October 02, 2017 - 11:17:09 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Masar Oo Digniino Ka Soortay Cadar La Sheegay Inay Dad Ku Dhinteen

    Cadarku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha udduga ah ee ay dadka aadka u isticmaalaan, balse suuqyada dalkaasi Masar ayaa waxa ku faafay cadar magaciisa la yidhaahdo Relax kaasi oo sababaya dhimasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadarku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha udduga ah ee ay dadka aadka u isticmaalaan, balse suuqyada dalkaasi Masar ayaa waxa ku faafay cadar magaciisa la yidhaahdo Relax kaasi oo sababaya dhimasho.



Wasaaradda ganacsiga ee dalkaasi Masar ayaa waxay soo saartay qoraal ay kaga digayso cadarkaasi ku faafay suuqyada dalka gaar ahaan farmasiiyada, cadarkan ayaa sababay dhimashada qofka isticmaala saddex maalmood, sidoo kale qaar ka tirsan saraakiisha wasaaradaasi ayaa waxay shaaciyeen in cadarkaasi markii la ogaaday kadib dalka la soo galiyay isaga oo magacyo kale lagu soo qoray waxaanay sheegeen in dhammaan cadarada dalka soo galay la baadhayo lana soo qabanayo cadarkaasi halis galinaya nolosha dadka.

Dhinaca kale, dadka u dhashay dalkaasi ayaa baraha bulshada ku faafiyey qoraalka ay wasaaradda soo saartay si ay dadku uga digtoonaadaan ilaa iyo haatan wax faahfaahin ah dawlada dalkaasi kamay bixin waxa uu cadarkaasi ka kooban yahay ee geerida sababaya, balse waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay faafista cadarkaasi u joojin lahayd kadib markii la arkay dad uu cadarkaasi noloshoodii gallaaftay.