Madaxa shirkadda Uber oo wadahadal la galaya magaalada London

0
Tuesday October 03, 2017 - 08:45:26 in by Burco Office
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa shirkadda Uber oo wadahadal la galaya magaalada London

    Madaxa shirkadda Uber oo wadahadal la galaya magaalada London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa shirkadda Uber oo wadahadal la galaya magaalada London

Masuulka cusub ee shirkadda takaasida ee Uber ayaa galinka dambe ee maanta wadahadal la yeelan doona masuuliyiinta waaxda gaadiidka ee magaalada London, si ay uga wada hadlaan ruqsaddii ay shirkaddu ku shaqaynaysay oo aan loo cusboonaysiinin.

Dara Khosrowshahi ayaa kulan la qaadan doona Mike Brown oo maamula gaadiidka magaalada London, kaas oo shirkadda ku dhaliilay in aysan baadhitaan qoto dheer ku samaynin darawaladeeda iyo sida ay dawladda ugu wargaliso falal dambiyeedyada.

Shirkadda Uber ayaa raaligalin ka bixisay "khaladkii" ka dhacay, waxayna sheegtay in ay wax ka badali doonto sidii ay u shaqayn jirtay.

Ruqsadda ay shirkaddu kaga shaqaysanaysay London ayaa dhacaya Sabtida, laakiin darawallada u shaqeeya ayaa hawlahooda sii wadan kara tan iyo inta go'aan laga gaarayo racfaanka ay shirkaddu qaadatay.