Dadwaynaha Reer Hargeysa Oo Hor Istaagay Iibka Dugsiga Riis, Wasiir Cali Mareexaan Oo Si Dheel-dheel Ah Uga Hadlay iyo Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyey, Bulshadana Baaq U Diray

0
Wednesday October 04, 2017 - 12:13:49 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadwaynaha Reer Hargeysa Oo Hor Istaagay Iibka Dugsiga Riis, Wasiir Cali Mareexaan Oo Si Dheel-dheel Ah Uga Hadlay iyo Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyey, Bulshadana Baaq U Diray

    Dadwaynaha Reer Hargeysa Oo Hor Istaagay Iibka Dugsiga Riis, Wasiir Cali Mareexaan Oo Si Dheel-dheel Ah Uga Hadlay iyo Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyey, Bulshadana Baaq U Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadwaynaha Reer Hargeysa Oo Hor Istaagay Iibka Dugsiga Riis, Wasiir Cali Mareexaan Oo Si Dheel-dheel Ah Uga Hadlay iyo Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyey, Bulshadana Baaq U Diray

"Anagu wax la iibiyey ma ogin ee saaka (shalay) ayuunbaanu ku war helnay dugsigaas” Wasiir Cali Mareexaan

"Markii Ay Wax Walba Soo Dhameeyeen Ayay Iskuulladii U Soo Jeesteen, Dadwaynaha Waxaanu Leenahay..” Afhayeenka WADDANI

Hargeysa (Somalilandtoday)-Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa si adag uga horyimi dhisme ay ganacsato reer Hargeysa ahi doonayeen inay ka dhistaan wajahadda dusgiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Cismaan (Riis), kaasoo ay xukuumaddu dhawaan ka iibisay.


Dadwaynahan oo gadoodsan ayaa xoog ku jiidhay ciidamada ammaanka isla markaana mid mid u qaatay qalabkii lagu wareejiyey dugsigaas ee bar bilawga u ahaa dhismaha ganacstada, waxaana ay ugu dambayn dadwaynuhu halkaas kala carraabeen guul, iyagoo ku guulaystay in seeska laga qaado wajahadda dugsiga.

Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Mareexaan oo ay wasaaraddiisu ku shaqo leedahay iibka iyo bixinta dhulka danta guud ayaa mar wax laga waydiiyey cidda bixisay dugsigan, waxa uu uga jawaabay si dheel-dheel ah, isagoo sheegay inaanu arrinkaas waxba ka ogayn.

Wasiir Cali Mareexaan oo muddooyikii u dambeeyey dhexda ugu jiray fadeexdaha la xidhiidha iibinta dhulka danta guud ayaa iska deedafeeyey inuu shaqo ku leeyahay iibka dhulkaas dugsiga Sheekh Cali Cismaan, waxaana uu HCTV u sheegay inuu baadhis ku samaynayo.

"Anagu wax la iibiyey ma ogin, iskuulkaas waxaan uun ka war helay illaa shalay illaa saaka (shalay markii mudahaaraadku dhacayay), markaa taliyaha booliska iyo Maayirkaba waanu wada hadalnay waxaanu markaas isla garanay in la joojiyo” ayuu wasiir Cali Mareexaan oo ah qofka ugu dambeeya ee marka madaxwaynaha laga yimaaddo awoodiisa lagu iibin karo laguna bixin karo dhul dan guud ah, waxaanay jawaabta wasiirku u muuqataa mid aan lagu qanci karin, inkastoo sida uu sheegay gabi ahaanba iibkaas la joojiyey.

Geesta kale Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa arrinkaas ku tilmaamay mid laga xumaado, waxaana uu dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqay inay dhulkooda ilaashadaan.

"Markii ay wax walba soo dhameeyeen ayay iskuuladii iyo madarasadihii dadku wax ku baranayeen u soo jeesteen, waanagagasnimo dadwaynaha waxaanu leenahay inta yar ee gacmihiina ku hadhay ilaashada ku fara adayga” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa oo wargayska Somalilandtoday khadka tilifoonka ugu waramayay.

Labadii bilood ee u dambeeyey ayaa waxa soo baxayay fadeexadaha iibka dhulka danta guud kuwaas oo dhamaantood ku dhacaya jeebka dad gaar ah, waxaana cabashada iibka dhulka danta guud ahi ay ka jirtaa gobollada Somaliland min bari illaa galbeed.