Dawladda Sucuudiga Oo 50 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

0
Wednesday October 04, 2017 - 13:05:27 in by Burco Office
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sucuudiga Oo 50 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

    Dawladda Sucuudiga Oo 50 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Sucuudiga Oo 50 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero.


Warsaxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaadheyso $50 milyan oo dollar.

Waxaa qoraalka lagu yidhi: "Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed "la soo gaadhsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagta loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

"Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xidhiidha qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in "deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.”

Waxaa intaas lagu daray: "Xidhiidhka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Xilligan ay ku soo beegantay lacagta

Murankii ka dhashay moowqifka dowladda federaalka ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u tallaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadin kara howlaha dowladda Soomaaliya.

Inkastoo laga yaabo in markii horaba xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid aan xoog badnayn, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Hadda, macadda in Madaxweyne Farmaajo iyo boqor Salmaan ay ka wada hadleen arrinta Khaliijka ee khilaafka sababta u ah ee saameeyay gudaha Soomaaliya.

Balse dadka siyaasadda kafaallooda waxay sheegayaan in ay dhici karto in dowladda ay qaadato go’aan ay dhinac ku taageereyso, hasayeeshee, lamana oga in mowqifka dowladda uu isbedelay.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta loogama hadlin arrinta rasmiga ah ee labada dhinac ay ku heshiiyeen ama ka wada hadleen.

Xubno ka mid ah baarlamaanka Federaalka ayaa dhowaan gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraatka ee Muqdisho oo ay ku eedeynayaan in siyaasadda gudaha ee Soomaaliya uu faraha la galay.

Imaraatka ayaa xulafo la ah Sucuudiga, wuxuuna ka mid yahay dalalka go’doominta ku haya Qadar.

Maamulka Galmudug ayaa ah midka uu sida ugu xun u saameeyay Khilaafka ka dhashay arrimaha dalalka Khaliijka.

Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee Axmed Ducale Gelle Xaaf ayaa diiday in xilka laga qaaday ka dib markii xubno ka mid ah baarlamaanka gobolka ay sidaas ku andacoodeen.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office