Nin Xidhay Cabbaayad Iyo Niqaam Si Uu Usoo Arko Gabadh Uu Jecel yahay Oo Loo Diiday !

0
Thursday October 05, 2017 - 08:51:23 in by Burco Office
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Xidhay Cabbaayad Iyo Niqaam Si Uu Usoo Arko Gabadh Uu Jecel yahay Oo Loo Diiday !

    Nin Xidhay Cabbaayad Iyo Niqaam Si Uu Usoo Arko Gabadh Uu Jecel yahay Oo Loo Diiday !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Xidhay Cabbaayad Iyo Niqaam Si Uu Usoo Arko Gabadh Uu Jecel yahay Oo Loo Diiday !
  •  
  • Wiil u dhashay dalka Masar oo magaciisa lagu sheegay Axmed.C.M ayaa waxa uu ka hawl galaa debadda dalka Masar, taasi oo macnaheedu yahay Ahmed waa Qurb joog, da’diisuna waxay tahay 22 jir, waxaanu jeclaaday gabdh ku nool Tuulada Al-sawada ee dalkaasi Masar.

    Axmed ayaa gabadhaasi uu jeclaaday marar dhawr ah ka soo doonay Aabaheed, balse wuu u diiday inuu gabadhiisa uu guuriyo, Axmed waxa uu galay fasax intaasi kadibna waxa uu yimid dalkiisa hooyo ee Masar, isagoo go’aan ku gaadhay inuu soo arko gabadhii uu jeclaa ee loo diiday waxaanu go’aansaday sidoo kale inuu si qarsoodi ah usoo booqdo gabadhaasi uu jecel yahay, isagoo xidhay Cabbaayad iyo Niqaam, laakiin nasiib darro Axmed waxa uu iloobay inuu kabbihii ragga ee uu xidhnaa uu iska bedalo, kadib markii uu u dhawaaday aqalkii ay deganayd gabadhii uu jeclaa ayaa waxa dareemay dadkii deriska la ahaa waxa aanay markiiba ka shakiyeen socodkiisa. intaasi kadib way u yeedheen waxaanay ogaadeen inuu yahay ninkii jeclaa gabadha aqalkii uu kusii socday degan waxa aanay u garaaceen si xun, dabadeedna waxay u gacan galiyeen ciidammada ammaanka.

    Arrinta isweydiinta leh ayaa noqotay sababta uu Axmed kabbahaasi fashiliyay iskaga bedali waayay.