"Madaxweynuhu Wuu Asiibay Degmadan Dacartu Inay Degm Noqoto, Maaha Mid La Dhaliili Doono Ama Laysku Ciilkaan Biyi-doono Bixindeeda." Wasiirka Madaxooyada JSL

0
Friday October 06, 2017 - 11:44:57 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynuhu Wuu Asiibay Degmadan Dacartu Inay Degm Noqoto, Maaha Mid La Dhaliili Doono Ama Laysku Ciilkaan Biyi-doono Bixindeeda." Wasiirka Madaxooyada JSL

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo asaxaabta qaranka oo ka qayb qalay munaasibad loogu wanqalayey degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex, ayaa ka hadlay muhiima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo asaxaabta qaranka oo ka qayb qalay munaasibad loogu wanqalayey degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex, ayaa ka hadlay muhiimada degmadaasi.

Demgadani oo uu dhawaan Madaxweynaha JSL magacaabay ayaa shalay xaflan balaadhan loogu wanqalay, munaasibadaasi ayaa waxa khubad ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada waxaanu yidhi " Ugu horayn waxaan u mahad naqayaa ILAAHAY (SWT) nimcooyinka faraha badan ee uu ina siiyey, guulaha badan ina siiyey, galadaha badana inagu manaystay, intaa kadib waxaan jecelahay inaan u mahad naqo waayeelka iyo waxgaradka deegaanka iyo guddii igu soo martiqaaday u wanqalida degmada Dacarta, Waxaan ka markhaati kacaynaa in madal qiimo badan ay diyaariyeen. Waxaan halkan ka hambalyeynayaa bulshada deegaanka degmada cusub ee Dacarta oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu degmo u magacaabay, waxaan halkan ka bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo degmadan magacaabay, gartayna inay tahay meel ku haboon inuu degmo u magacaabo dadkan si horumarkooda looga shaqeeyo.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena xusay in Madaxweynuhu uu asiibay magacaabida degmadaasi waxaanu yidhi " Madaxweynuhu wuu asiibay degmadan inay degm noqoto, maaha degmo la dhaliili doono ama laysku ciilkaan biyi doono bixindeeda, ama loo duur xuli doono, waxa kale oo aan cadaynayaa in degmadani aanay ahayn degmo siyaasadeed sida uu halkan ka yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID, degmadan iyo kuwa kale ee la bixiyey ma xanbaarsana ujeedo siyaasadeed. Maxaa hore loogu bixin waayey darasado iyo xogo xaqiiqo raadis ah ayaa la waday, Madaxweyne Siilaanyo maadaama muddo xileedkiisi gabogabo yahayna wuxuu garwaaqsaday inuu dadkaa iyo deegaamadaa wararka laga keenay inuu u abaal gudo, kuwaas oo la sugay inay degmo qaadi karaan, sidaas ayaa lagu magacaaabay.”
Mudane Xaashi ayaa intaasi ku daray " Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa demo weyn, waa demo meesha ku munaasib ahayd, adeeg-yadeeda aas-aasiga ah iyo kaabayaasheeda dhaqaale ee jiray may badanayn, waayo tuulo ayey ahayd, waxa ka jiray xarun MCH iyo dugsi hoose dhaxe, waan ku bogaadinayaa wasaarada Waxbarashadu inay kordhiso dugisigii hoose dhaxe, maxaa Xukuumada xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaayo iyadoo doorashadii muddo yari ka hadhsan tahay ay halkan ka balan qaadaysaa?, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan madashan iyo weeyeelkan ugu sidaa hambalyo uu i soo faray inaan madashan soo gaadhsiiyo, waxaan ugu sidaa duco, waxaan ugu sidaa mahad-naq, deegaamadani waxay ahaayeen kuwii Axmed Siilaanyo laga taageeri jiray, Soomaalidu waxay tidhaa Libaax nin galladay iyo nin ganayba waa og yahay.”
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kaalinta xukuumada ee haormarinta degmadaasi waxaanu yidhi " Qorshaha qaranka Xukuumada ahaan annaga ayaa gacanta ku hayna, miisaaniyadiina annaga ayaa gacanta ku hayna oo samaynayna, anaga oo rajaynayna in xisbiga KULMIYE uu talada dalka ku soo noqdo guushana aan isa siinaynin, halkan waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyada aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska, dhawaan ayaanu dhagax dhigi doonaa, waxaanu raadinayaa qandaraasle sii dhisa oo aanu lacagta miisaaniyada ugu darno, waxa kale oo aanu halkan ka fulin doonaa oo ay Wasaarada khayraadka biyuhu qorshasay ceel ka mida tobankii ceel ay dawladda Imaaraadku ina siisay.