Facebook Oo WhatsApp Ku Iibsaday Lacag Dhan …
Facebook waxa uu siistay shirkadan lacag dhan 19 Bilyan oo dollar oo ay ku jiraan 4 Bilyan oo uu kaash ku bixin doono, 12 Bilyan oo uu ku bixin doono waxa loo yaqaan Stock broke iyo waliba 3 bilyan oo uu u qaybin doono shaqaalaha whatsApp muddada 4ta sanno ee soo socda, taasi oo shardi looga dhigi doono inay ku sii baaqi noqdaan shirkadan.
Tallaabadan ayaa waxay timid kadib socdaalka ay ugu jirto shirkadan wayni in ay isku ballaadhiso baraha lagu kulmo ee shabakada Internet-ka, iyo in ay sii wanaajiso shacbiyadeeda gaar ahaan dhalinyarada.
Sida lagu heshiiyay ayaa waxa Jan Com oo ah ninka tiirarka u taagay shirkada WhatsApp oo isla markaana ah madaxa fulinta ee shirkada uu ku biiri doonaa golaha maamula Facebook, iyada oo uu Facebook na bixin doono qiime dhan 3 Bilyan oo la siin doono dadkii kala shaqaynayay oo uu ku jiro Jan Com.
Facebook ayaa waxa uu ballan ku qaaday in uu calaamda iyo magaca WhatsApp sidiisa u dayn doono, isla markaana ay bixin doonaan 1 Bilyan oo dollar hadii uu heshiiskani fashilmo.
Diyaariye:Adnaan Shawahaaye
Afka Shacabka
Holland
Facebook Oo WhatsApp Ku Iibsaday Lacag Dhan …
Shirkada Facebook ayaa waxay sheegtay arbacadii dhawayd in ay iibsatay shirkada kale ee magaceeda layidhaahdo whatsApp, taasi oo ka adeegta fariimaha la isugu diro taleefannada cusub ee loo yaqaan Smart Phons.