Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

0
Saturday October 07, 2017 - 08:40:10 in by Burco Office
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

    Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

Wafdi sare oo ka socday dalal caalami ah ayaa booqday Hargeysa, kuwaas oo soo eegayay sida ay u socoto qabanqaabada doorashada bisha soo socoto ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida u dhowaaqday ee Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareenayaa lagu xusay in Hargeysa ay booqdeen safiirada Denmark, Midowga Yurub, iyo ergo ka socotay Finland, Fransiiska, Netherlands iyo UK.

Wafdiga ayaa la kulmay madaxwayne Siilaanyo, guddiga doorashada ee NEC iyo seddax musharrax oo xilka madaxweynaha u tartamaya.

Waxay sheegeen in ay si cad u taageerayaan doorasho xaq ah in ay Somaliland ka dhacdo 13-ka bisha soo socota ee Nofembar.

Waxay sidoo kale musharrixiinta ku booriyeen in ay aqbalaan natiijada kastoo ka soo baxda doorashada.

"Daneeyayaasha caalamiga ah waxay ogaadeen in diyaargarowga doorashada ee guddiga NEC uu ahaa mid miro dhal leh", ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen ergada booqatay Hargeysa.

"Soo afjaridda diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo siinta kaararkii ay ku codeyn lahaayeen iyo qaabilidda musharrixiinta xilka madaxweyne iyo ku xigeen, waxay ahayd guul wayn oo la gaaray," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.


 
Mowqifka Somaliland ee ku aadan qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Ayadoo shan isbuuc ay ka harsan tahay doorashada "ergada waxay u sheegayaan axsaabta siyaasadda, guddiga doorashada, iyo ururada bulshada rayidka ah in ay sii wadaan ka wada shaqeynta doorasho nabad, cadaalad iyo mid loo dhan yahay ah".

"Doorka ururada bulshada rayidka ah iyo warbaahinta waa wacyigelinta codbixiyaha si uu u helo xoriyad uu wax ku doorto, isaga oo si dhaw u qiimaynaya siyaasadaha musharixiinta u tartamaya doorashada madaxwaynaha iyo iyaga oo kula xisaabtamaya xisbiyada siyaasada iyo dhamaan hay'ada Somaliland in ay fuliyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen bulshada," ayaa lagu yiri qoraalka.

"Gaar ahaan, korjoogtada ay ansixiyeen gudduga NEC, waxay gacan ka geysan karaan xoojinta kalsoonida iyo daacadnimada hanaanka ay wax ku socdaan".

Ururada bulshada rayidka ah ayaa la sheegay in ay diyaarin doonaan 620 qof oo doorashada la socda, kuwaasoo la shaqeyn doons 60 kormeerayaal oo madaxbannaan iyo khubaro.

 
Doorashada madaxtinnimada Somaliland oo dib loo dhigay

Haddii doorasho Somaliland ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo aan madmadow lahayn, ayna wada aqbalaan dhamaan xisbiyada "waxay muujineysaa qaangaarnimada nidaamka dimuquraadiyadda ee Somaliland", sida ku qoray warsaxaafadeedka.

Doorashada deegaanada iyo midda baarlamaanka ayaa la qaban doonaa ka mid marka ay dhammaato midda madaxweynaha.

Dowladaha caalamiga ah ee Somaliland daneeya, ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada, si dhowna ula soconayaan diyaargarowga iyo qabashada doorashada madaxweynaha.