Ruushka Oo Askartiisa Ka Mamnuucay Inay Sawir Iska Qaadaan
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa soo saartay sharci cusub oo ciidammada ka mamnuucaya isticmaalka baraha bulshada sababo la xiriira amniga.
Sharciga cusub ayaa waxa uu dhigayaa in sawirada, muuqaalada iyo waxyaabaha kale ee la galiyo baraha bulshada ay banaanka u saari karaan sirta ciidammada taas oo muhiim u ah cadawga.
Waxaa jira hab si sahlan loogu ogaan karo meesha uu joogo qofka baraha bulshada wax soo galiya, taas ayaana laga yaabaa sababta ugu weyn ee wasaaradda ay cuskanayso.
Horay waxyaabo ay baraha bulshada usoo dhigeen ciidammada Ruushka ayaa lagu ogaaday in ay ku suganyihiin Ukraine iyo waliba Ruushka.
Ruushka ayaa la wareegay gobolka Crimea bishii maarso ee 2014-kii, iyada oo bilihii ku xigayna jamhado ay la wareegeen gacan ku heynta gobolada Donetsk iyo Luhansk oo ay degenyihiin dad ku hadla afka Ruushka.
Dowladda Ukraine iyo dalalka reer galbeedka ayaa Ruushka ku eedeeyey in ay ciidammo iyo saanad ku taageereyso janhadahadaas, eedeyntaas oo ay beeniyeen.
Wariye u shaqeeya wakaaladda Vice News oo lagu magacaabo Simon Ostrovsky ayaa sheegay in ay u suurtogashay in uu xaqiijiso in ciidammada Ruushka ay ka dhex dagaalameen gudaha Ukrain, isaga oo adeegsaday waxyaabaha ay baraha bulshada soo dhigeen askarta Ruushka , kuwaas oo ay sahlanayd in qofka soo dhigay la ogaado halka uu adduunka ka joogo.
Labo wakaaladood oo xagga amniga qaabilsan oo kala ah FSB iyo FSO ayaa horey shaqaalahooda uga mamnuucay isticmaalka baraha bulshada, waxaana laga yaabaa in kama dambeys laga mamnuuco ciidammada kala duwan oo dhan.
Ruushka Oo Askartiisa Ka Mamnuucay Inay Sawir Iska Qaadaan
Ruushka Oo Askartiisa Ka Mamnuucay Inay Sawir Iska Qaadaan