Liberia oo maanta doorasho loo dareerayo
Dalka Liberia kumanaan qof ayaa maanta u dareeraya doorashada madaxtinimada dalkaasi.
Qofka la doorto ayaa badali doona haweenaydii dalkaasi xukumaysay 12-kii sano ee la soo dhaafay Ellen Johnson Sirleaf.
Ciyaaryahan hore George Weah ayaa ka mid ah raga ugu xoogan musharixiinta ku tartamaya kursiga madaxweynenimada.
Haweenayda xilka ka sii degaysa Miss Sirleaf ayaa dadka ugu baaqday inay si xasiloon codka u dhiibtaan.
Isugayn waxaa xilkan u tartamaya labaatan musharax. Ellen Sirleaf-na waxay xilka soo qabatay labo jeer oo isku xigta.
George Weah oo 51 jir ah ayaa waxaa kuxigeen uu ka dhigtay xaaskii hore ee Charles Taylor oo isagu hadda xiran.
Dadka doorashadan isu diwaangeliyey ayaa gaaraya 2.2 milyan oo qof. Waxaana sidoo kale dhacaysa doorashada baarlamaanka.
Dalka Liberia waxa uu ka mid yahay wadamada caalamka ugu saboolsan boqolkiiba kontan dad ka badan ayaana saboolnimo ku jirra.
Sanadii 2014-tii waxaa Liberia ay ka mid ahayd wadamadii cudurka Ebola uu ku dhuftay ee sida ba'an looga dhamaaday.
Liberia oo maanta doorasho loo dareerayo
Liberia oo maanta doorasho loo dareerayo