Bangiga Aduunka Oo Manta Si Rasmi Ah 8-Gaadhi Ugu Wareejiyay Haay'ada Shaqaalaha Iyo Gudoomiye Sharmaarke Gelle Oo Ay Dadaal Ku Sifeeyen Kuna Abaal Mariyeen.

0
Wednesday October 11, 2017 - 14:02:35 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Aduunka Oo Manta Si Rasmi Ah 8-Gaadhi Ugu Wareejiyay Haay'ada Shaqaalaha Iyo Gudoomiye Sharmaarke Gelle Oo Ay Dadaal Ku Sifeeyen Kuna Abaal Mariyeen.

    Hargaysa(AFKA);Guddoomiyaha haay'adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa Maanta Bangiga Aduunka Kala Wareegay Gadiid Loogu Tallo galay Haay'adda Shaqaalaha dawladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(AFKA);Guddoomiyaha haay'adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa Maanta Bangiga Aduunka Kala Wareegay Gadiid Loogu Tallo galay Haay'adda Shaqaalaha dawladda.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Mudane Maxamed Ibraahim Aadan "Qabyo-tire” Wasiiru dawlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Cabdiraxmaan iyo tiro kamida shaqaalaha sare ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada.

Ugu horayn Gudoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawlada Mudane Sharmaake Axmed Muxumed ayaa ka waramay mudadii uu xilka hay’adda hayey iyo waxa uu ka qabtay

jidka loogu jiro tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawlada isagoona dhankiisa xusay in isagoo ku soo beegmay mashruucani sannad doorashooyin iyo xaalado kala guur ah lagu jiro haddana mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada ku daadihiyey tub toosan oo guud ahaan hay’adu la timid.

 

Wasiirada oo dhankooda ka hadlay ayaa bogaadiyey kaalinta hay’adda shaqaalaha iyo doorka hogaamineed ee Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha iyagoona xusay in uu u maamulay si xirfad iyo xeelada Ku Dheehan tahay

Wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland oo ka waramaya arimahaas ayaa yidhi "Waxaa jira mashaariic badan oo aynu ku guulaysanay balse farsamo xumo iyo dedaal la’aan inooga dhacay, waxaanse odhan karaa mashruucani waa midka ugu hirgalida wanaagsan taasina waxay ku timi Fadliga Illaahay ka sakow dedaal ay la yimaadeen hay’adda shaqaalaha dawlada.

Dhankiisa waxaa isaguna goobta ka hadlay madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada Mr Alex isagoo si qoto dheer uga waramay sanad ay wada shaqaynayeen hay’adda shaqaalaha iyo waxa wanaagsan ee uu ka arkay isla markaana gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ku tilmaamay nin dhalinyar ah hadana waayo aragnimo badan ku maamulay mashruucan.

Ugu dambayn Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mr Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa kalmado mahadnaq iyo bogaadin ah madasha ka jeediyey isagoona xusay qiimaha mashruucani dalka u leeyahay Waxaa sidoo kale abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyey madaxdii hagaysay mashruucan.

Gaba-gabadii ayaa waxaa gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Mudane Sharmaake Axmed Muxumed ay bangiga aduunku gudoonsiyeen abaal marin ay ugu magac dareen "Mashruucii sannadka ugu wanaagsanaa iyo gudoomiyihii jidka u xaadhay is bedel toggan oo shaqaalaha ku dhici donna”