Guddoomiyaha Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Madaxbanaanida Catalonia

0
Saturday October 14, 2017 - 10:02:05 in by Burco Office
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Madaxbanaanida Catalonia

    Guddoomiyaha Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Madaxbanaanida Catalonia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Madaxbanaanida Catalonia

Gudoomiyaha guddiga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay inaanu taageersanayn madaxbannaanida Catalonia, isaga oo ka baqaya in wadamo kalana ku daydaan.


Juncker oo arday kula hadlayay Luxembourg ayaa ka digay in arrintaasi ay sababi karto gobol aad u qasan oo Midawga Yurub ay ku adkaandoonto in uu maamulo.

Spain ayaa qasan tan iyo markii dawlad goboleedka Catalonia ay qabatay afti lagu murmay kawdii bishii Oktoobar

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Spain ayaa aftidaas waxba kama jiraan ka soo qaaday, dadka u soo baxay codayntaasna waxay ahaayeen 43%.

Ku dhawaad 90% dadkii codeeyay waxay taaageereen madaxbannaani, sida ay sheegeen saraakiisha Catalonia.

Arrintaas ayaa horseeday in hogaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu si aan rasmi ahayn ugu dhawaaqo madaxbannaani salaasadii.

Wuxuu markii dambana sheegay in aan arrinta madaxbannaanida dhaqangalinteeda la billaabin todobaadyo si wadahadallada Madrid wakhti loo siiyo.

Ra’iisulwasaaraha Spain, Mariano Rajoy oo arrintaas ka jawaabaya ayaa shan maalmood u qabtay hogaamiyaha Catalonia si uu u caddeeyo in uu madaxbannaani ku dhawaaqay iyo in kale.

Haddii Puigdemont uu Isniinta caddeeyo in uu madaxbannaani ku dhawaaqay, waxaa la siin doonaa saddex maalmood oo dheeri ah si uu uga laabto ku dhawaaqitaankaas.

Juncker oo Jimcihii ka hadlay jaamacadda Luxembourg University ayaa Rajoy ugu baaqay in uu xaaladda xakameeyo, ka dib markii uu xaaladda ku tilmaamay halistii ugu waynayd ee dimuqraadiyadda Spain soo wajahda muddo 40 sano ah.

Midawga Yurub ayaa caddeeyay in haddii Catalonia ay ka go’do Spain aysan ka sii mid ahaan doonin Midawga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee Juncker ayaan qarinin aragtidiisa khaaska ah "Haddii aan ogolaano in Catalonia ay madaxbannaanaato, inkastoo aysan shaqadayada ahayn, kuwo kale ayaa ku dayan, arrintaasna ma jeclaysanay.Ma jeclaan doono in aan 15 sano ka dib arko Midawga Yurub oo 90 dal ka kooban.”