Xukun Madaxaa Haku Furto Ah Oo Lagu Riday MAGAFE Lagu Helay, Inuu Jidh-dil Nafta Kaga Qaaday Tahriibayaal Soomaali Ah

0
Saturday October 14, 2017 - 10:15:50 in by Burco Office
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun Madaxaa Haku Furto Ah Oo Lagu Riday MAGAFE Lagu Helay, Inuu Jidh-dil Nafta Kaga Qaaday Tahriibayaal Soomaali Ah

    Xukun Madaxaa Haku Furto Ah Oo Lagu Riday MAGAFE Lagu Helay, Inuu Jidh-dil Nafta Kaga Qaaday Tahriibayaal Soomaali Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukun Madaxaa Haku Furto Ah Oo Lagu Riday MAGAFE Lagu Helay, Inuu Jidh-dil Nafta Kaga Qaaday Tahriibayaal Soomaali Ah

Nin Soomaali ah ayaa Maxkamad ku taal dalka Talyaanigu ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu jidh-dil iyo dil isugu daray dad Muhaajiriinta ku sugnaa dalka Liibiya.


Ninkan oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud oo 22-jir ah ayaa sanadkii hore lagu qabtay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, kaddib markii la aqoonsaday.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Ninkani sidii uu garaacid ugu waday ay Geeriyoodeen Dad Tahriibayaal ah, halka qaar kalena ay cunto iyo biyo la’aan u dhimanayeen.

Maxkamadda Milan waxay eedeysanaha ku heshay inuu afduub iyo jidh-dil u geystay Tahriibayaal Soomaali ah, kuwaasi oo uu ku khasbay inay Eheladooda bixiyaan Lacago madax-furasho ah.

Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay inay Maxkamaddu ku heshay Ninkan dilka 4 Qof oo uu jidh-dil ugu geystay Liibiya.

Dadka muhaajiriinta ee ka taga Dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa wakhtiga ugu badan ku qaata xeryaha ku yaalla Libiya, halkaasoo madax furasho ahaan loogu heysto, waxaana eheladooda ka sugaan lacagaha la siiyo dadka wax tahriibiya ee u qaada dalalka Yurub.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dadka tahriib ku galayay dalalka Yurub, waxaana ciidamada badda Talyaaniga ay bad-baadiyeen boqollaal muhaajiriin ah oo doonyo kuwa la buufiyo ah ka raacay xeebaha Liibiya, halka boqollaal kalena ku dhinteen Badda.